Axmed Abdisalam oo markii ugu horeysay ka hadalay qaraxyadii dhuusamareeb lagula egatay ee ka soo gaaray dhawac halis ah.
Siyaasiga Rug cadaaga isbedeldoonka ah ee Somali Canadin-ka ah Ahmed Abdisalam Xaaji Aadan ayaa markii ugu horeysey ka soo muuqdey warbaahinta isagoo la sawiran Xaaskiisa Falastiin Axmed Xaaji kadib markii uu ka soo kabsadey weerarkii naxariis darada ahaa ee la doonayay in lagu dilo 1 May ee Sanadkaan, kaas oo ay ku dhinteen laba ka mid ah asxaabtiisii ay isla socdeen.
”Waxaan ahay qof nasiib badan mar hadaan noolahay’ ayuu yiri isagoo ay ka muuqdaan wajigiisa raadkii dhaawacyadii ka gaarey wajiga balse hada caafimaad ahaan ka soo kabtey dhamaan dhaawacyadaasi, waxaa sidoo kale uu yiri lama yaabani waxii dhacey waayo waa wax iska caadi ah marka loo fiiriyo nolosha Soomaaliya laakiin ma ahaeyn wax aan filanaayay in aan la kulmi karo.
Isagoo hadalkiisa Sii wata ayaa Axmed Abdisalam waxa uu yiri ”iskama jiri kartid waxa kuugu dhici kara, waxaa muhiim ah oo kaliya in aad Illaah ugu mahadcelisid badbaadada uu ku badbaadiyey.
”Way adagtahay in aad iska ilaalisid qof raba in uu dhinto, waa waxa loo adeegsado dagaalka ka socda Soomaaliya, caruur yar yar aa isku kaa qarxinaaya, iyagoo aanan ogeyn sababta ay sidaas u sameynayaan, xitaa waxba kama oga qorshaha weerarka ay geysanayaan ee nafsadooda ay ku haligayaan”
Axmed waxa uu ka mid ahaa Aqoonyahanadii aasaastey Warbaahintii Hornafrik ee nafsadooda u hurey in Soomaaliya ay ka hirgaliyaan Warbaahin Madaxbanaan oo dhexdhexaad ah xili dalka uu gacanta ugu jirey dagaal oogayaal ku gorgortami jirey dhiiga shacabka, ilaa markii danbe HornAfrik ay tusaale fiican u noqotey dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee maanta ka hirgalay Soomaaliya.
Wixii ka danbeeyey 2007-dii waxa uu si toos ah u dhex galay siyaasada Soomaaliya oo uu ka soo noqdey Ra,iisulwasaare ku xigeen iyo wasiirka warfaafinta, iyadoo si weyn loogu xusuusto doorkii uu ku lahaa dadaalkii la isugu soo dhoweeyay dowladii Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Madaxweynihii Xilka kala wareegey Shariif Sheekh Axmed oo xiligaasi ahaa mucaarad fariisin ku lahaa Asmara, markii dambana lagu qanciyey in wada hadal uu la galo dowladii waqtigaasi jirtey kadib markii Ciidamada Itoobiya laga saarey dhamaan Dalka.
Markii uu ku dhaawacmey qaraxa oo ay wax ka gaareen caloosha iyo madaxa ayaa waxaa loo qaadey dalka Itoobiya halkaas oo loogu sameeyey qaliin deg deg ah kadibna waxaa loo sii gudbiyey Magaalada Washinton ugu danbeyntiisa waxa la geeyey Magaalada Toronto oo Cisbitaalka Sunnybrook loogu sameeyey qaliin dhinaca araga iyo maqalka ah oo hadana uu ka caafimaadey dhaawacyadaasi oo dhan.
Axmed ayaa sidoo kale wareysiga lala yeeshey ku sheegey in kooxaxa mitidka ah ay laayeen dad badan oo wanaagsan oo isku dayaayey in wax wanaagsan ay u qabtaan dalka Soomaaliya, waa arin ka xanuun badan sida aan u maleynaayay ayuu yiri.
Markii wareysiga uu bixinaayay oo ku sugnaa Maqaayad Soomaalida ay leeyihiin oo ku taala waqooyiga Toronto ayaa waxaa la joogtey Xaaskiisa Falastiin Axmed Xaaji oo iyada lafsad ahaanteeda goobjoog u soo aheyd mid ka mid ah weeraradii ugu naxdinta badnaa bahdii HornAfrik Media iyo dhamaan Umadda Soomaaliyeed kadib markii 11 August 2007 dii hal maalin Muqdisho lagu wada diley Agaasimihii sare ee HornAfrik Cali Iimaan Sharmake iyo Mahad Ahmed Cilmi oo ka tirsanaa HornAfrik.
Axmed Abdisalam oo bixiyey wareysi aad u dheer ayaa qeybo ka mid ah kaga hadley Dowlada Cusub ee Soomaaliya waxa uuna sheegey in Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud uu u yaqaano si wanaagsan, waxa uu yiri Markii aan Madaxda ka ahaa Xarunta Cilbaarista iyo wada tashiga ee CRD 2002, Xasan waxa uu ka mid ahaa cilmibaarayaasha xalinta qilaafaadka ee xarunta, waxaana uu yiri
”Waxa ay aheyd in sidaan oo kale ay wax u dhacaan 20 sano kahor ama 15, ama 10 sano ka hor aan dhaho, ma fiirineyno qabiilka uu ka soo jeedo kaliya waxaa muhiim ah in uu yahay qof dareemaayo dhibka dalka ka jira aqoonna u leh maamulka iyo maareynta, dalkana aan meel uga bixin uu noqdey Madaxweyne waliba si lama filaan ah, waa waxa dhamaan dadka halkaan jooga ay u dabaal degayaan” ayuu yiri.
Ugu danbeynta waxa uu ugu hambalyeyey Madaxweyne Xassan Sheik Xilka cusub ee ummada uu u qabtey isagoo u rajeeyey in uu ilaah la garab galo, beesha caalamkana waxaan filaa in ay ula shaqeyso sidii nidaamka iyo kala dambeynta loo wada gaarsiin lahaa dalka oo dhan iyadoo loo marayo qaab nabadeed oo ku salaysan isfaham iyo nabad ayuu yiri.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6070