|

MAXAA KA QALDAMAY CITY KULANKII BERNABEU (BY LIIDA) AQRI FALANQEYNTA.

CIYAARTII   DHEX   MARTAY   KOOXDA MANCHESTER CITY IYO KOOXDA  FAC\A WEYN EE REAL MADRID AYA LA YAAB KU NOQOTAY MACALIN MANCINNI IYO TAAGEERAYAASHA KOOXDAAS . 

Dhamaadkii  ciyaarta ayaa city umuuqatay kooxdii sadaxaad ee bernabeu kaga badisa naadiga real Madrid laakin riyaadaa ayaa noqotay mid Dhicisowday kagadaal marka isbadal weyn kuyimid ciyaarta.

City ayaa ku hogaamineesay 2-1 ciyaarta oo idil waxaa ka harsanaa  inka yar 3 daqiiqadood laakin dadaal dheeraad oo ay real Madrid muujisay ayaa Keentay 3-2 inay isku badasho ciyaarta.

Laakin riyadii Manchester city ayaa noqotay hal bacaad lagu lisay, kooxda City oo dooneesay champions league inay ku bilowdo guul kana gaarto Real Madrid kuna gaarto garoonka kooxda real Madrid , laakin, ciyaaryahanka Kooxda real Madrid waa Ronaldo ayaa beeniyay taa kagadaal markuu Dhaliyay goosha guusha ee ciyaarta.

Kareem benzema oo ahaa ciyaaryanakii dhaliyay goolka barbardhacay ee 2-2 laakin waxaa daba socday goolka benzema goolkii Ronaldo oo ahaa mid si Xaraga leh usoo maray zabaleta kuna laaday goolka.

Goolkaa Ronaldo ayaa keenay in Mourinho uu dabaal dago weliba asagoo isu Taraarixinayo dhulka cowska ah taa oo dad badan oo taageera kooxda Real Madrid xasuusisay xiligii Mourinho macalin uu ka ahaa naadiga Chelsea uu Sameen jiray farxadahaas dabaal daga ah.

Falanqeynta uu sameeyay wariyaha ciyaaraha ee bbc da

 

Maicon waxba muusan ciyaarin qeybtii hore ee ciyaarta waxuu ka ahaa Daawade waxaaba muuqatay in city 10  ciyaartooy ay ku Ciyaareesay,ronaldo ayaa si xaraga leh u dhaxmarayay garabka ciyaaryahan Maicon.

Qeybtii labaad ee ciyaarta vicent kampany ayaa inta badan ka ciyaarayay Dhinaca iyo ronaldo asagoo doonayay inuu iska daafaco ronaldo oo loo tag Waayay.

Ronaldo ayaa waayay jaanisyo badan kadib markii kampany soo fuulay Garabkiisa

Laakin marcelo ayaa soo dhinac maray dhowr goor ugu danbeyntiina Dhaliyay gool

Guushaa ay gaartay Real Madrid waxaa keenay Ronaldo kagadaal markii uu si Fudu usoo dhex maray daafacyada kooxda Manchester city uuna ka dhaliyay Gooshee guusha ee real Madrid, Ronaldo aya si fudud usoo maray ciyaaryan Pablo zabaleta sida asagoo joogin meesha oo kale

Zabaleta oo ahaa ciyaaryahankii lagu badalay maicon, ayaa laga rabay inuu Celiyo weerar ciyaaryahan Ronaldo laakin zabaleta ayaa taa tabar u waayay, Zabaleta ayaa fadhiyay benjiga asagoo daawanaya ronaldo iyo sida Ciyaartiisa ay tahay iyo sida Ronaldo u qayanayay ciyaaryahan maicon  Laakin zabaleta wax kma baran arintaa

 

Qaab ciyaareedka Manchester city

 

Qeybta hore ee ciyaarta real Madrid aad aye ugu fududeed in ay la wareegto Ciyaarta   4-3-2-1   City laba dhecx aye ciyaartay GARCIA iyo BARRY   taa Oo micnaheedu yahay in ciyaaryahanada danbe ee real Madrid ay usoo Socon karaan horay.

Hadii mancinni uu doonayay in Garcia iyo barry iyo toure uu ku ciyaaro Kana hormaiyo ciyaar yahan tevez  waa in uu soo gataa ciyaaryahan sida Xavi Alonso oo qabta shaqooyinkaas.

Waxaad arki kartaa mar alaale marka ay kubada qabsadaan Garcia iyo barry Dhoor ciyaartooy ayaa hal goor kusoo wada carareesa kana qaadaneesa Kubada.

Real Madrid waxee badal ku keentay ciyaaryahanada modric iyo ozil iyo Benzema oo badalay ciyaartii oo dhan keenayna kubad aad u qurux badan Oo natiijo leh.

Taa waxee cadeeneesaa in real Madrid ay u qalmatay guusha ay gaartay Habeenkii furitaanka champions league ay wada kulmeen kooxda Manchester city ee ka dhisan cariga ingiriiska.

 

FETAH ALI (LIIDA)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6035

Posted by on Sep 21 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented