Oscar oo noqday halyeyga cusub ee Chelsea (by liida)
Wacdarihii ugu danbeeyay ciyaaryahan drogba uu ka dhigay champions league una horseeda kooxda Chelsea inay ku guuleesato koobkaas,ayaa noqotay mid lama ilaabaan ku ah taageerayaasha Chelsea.
Laakin wiil da yar una dhashay wadanka brazil oo lagu magacaabo Oscar ayaa niyada u Dajiyay taageerayaasha naadiga Chelsea ayagoo weli niyada ku haya halyeeygii nadiga Waa drogba.
Oscar ayaa ayaa loo xeray numberkii ciyaaryahan drogba oo dad badani marki ay arkaan Numberkaas soo xasuusisa drogba, ayaa ciyaaryahan oscar wacdaro ka muujiyay koobka Champions league ee habeenkii xalay ahaa kooxdiisa Chelsea la cayaartay kooxda Juventus ee ka dhisan dalka talyaaniga.
Oscar ciyaarti xalay 2 gool ayuu u dhaliyay kooxda Chelsea una horseeday in naadiga Chelsea haafkii hore ee ciyaarta lagu kala nasto 2-1 oo Chelsea ku hogaamineesay.
Ciyaryan oscar oo ah ciyaaryahan 21 jir ah ayaa gool haye buffon gadaal mariyay labo Kubad oo si xaraga leh usoo laaday,inkastoo xalay ciyaaryahan pirlo lagu arkayay Garoonka ayaa waxba ku soo kordhin kooxdiisa waayo kooxda Chelsea xalay abood Xoogan aye lasoo gashay ciyaarta,inkastoo taageerayaasha ciyaarta ay dhaliilayeen Qaabka ay juventus kusoo gashay garoonka ciyaarta.
Ciyaaryahan drogba oo goolkiisii ugu danbeeyay Chelsea uu ahaa rigoore amaba gool Kulaad ayaa keentay goolkaas inay kaga qaadaan champions league kooxda Bayern Munich ee ka dhisan wadanka germany .
21 jirkan lagu soo gatay 25 milyan ayaa noqday ciyaaryahankii garoonka ugu fiicnaa Naadiga Chelsea sadaal lagu sameeyay ciyaaryahanada naadigaas,
Sidoo kale waxaa ka hadlay ciyaarti xalay dhex martay labada kooxood ee juventus iyo Chelsea tababaraha naadiga Chelsea wa Robert di matteo waxuuna sheegay kulankii Xalay in ay si wanaagsan u ciyaareen una qalmeen in ay badiyaan waxuuna intaa Raaciyay kooxdiisa Chelsea inay u qalantay guusha sababtoo ah ayuu yiri dhowr gool Kulaat ayaa inagala diiday.
Waxaa inagala diiday rigoore lagu galay ciyaaryahan eden hazard iyo ciyaaryahan Fernando Torres.
Si kastaba ha ahaatee kooxda Chelsea ayaa sanadan u muuqata inay ka awood Badantahay sanadii hore taana waxaa ugu wacan ciyaaryahanada tayada leh ee macalin DI Matteo uu kusoo kordhiyay naadiga , Di Matteo oo noqday macalinkii ka dhigay Naadiga Chelsea the champion ayna diyaar u tahay inay difaacato koobka champions League oo haatan Chelsea difaacaneesa.
Fetah Ali (Liida)
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6092