Baladweyne oo lagu soo dhaweyey Ciidamo ka socda AMISOM.
Cutubyo ka tirsan ciidamad AMISOM ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan kuwaas oo ka soo kacitimay magaalada jabuuti ee caasimada dalka jabuuti.
Ciidamadan maanta gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay yihiin ku dhowaad 100 askari kuwaas oo ka yimid dalka Jabuuti waxa ayna qeyb ka yihiin ciidamada AMISOM ee ka howlgalaya dalka Soomaaliya.
Ciidamada gaaray B/weyne ayaa waxa wateen gawaarida dagaalka kuwaas oo B/weyne ku soo galay gawiirada dagaalka kadib markii ay ka soo baxeen dalka Jabuuti si ay uga qeyb qaataan howlgalka dalka looga xoreynayo maleeshiyada shabaab.
Kabtan Cusmaan oo ah kabtanka wato ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada B/weyne ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan ciidamada howgallo lagu xaqiijinayo amaanka B/weyne.
Magaalada B/weyne ayaa waxaa ku sugan ciidamado ka socodo dowladaha Jabuuti iyo Ethiopia kuwaas oo ciidamada dowladda kala shaqeynaya xasiloodana gobolka Hiiraan.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6130