Gudoonka Barlamanka oo canbareyey dilkii Muqdosho Caawa logu geystay Sodoga Shiikh sahriif.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa mudanayaasha Baarlamaanka iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo caawa Muqdisho lagu dilay.
Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn ku bilaabay hadalkiisa “inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun kulu nafsin daa’iqatul mowt waxaan xildhibaannada Baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle naxariistii jano ha siiyee Marxuum Mustaf Xaaji Maxamed oo baarlamaanka ka tirsanaa,runtii waa geeri xanuun leh,si gaar ahna waxaan tacsi ugu dirayaa eheladii uu ka geeriyooday marxuumka”
Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “waxa uu ahaa muwaadin u istaagay ka qeybqaadashada samatabixinta shacbiga Soomaaliyeed iyo hirgelinta hanaanka Dowladnimo Xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamed kooxo arxanlaaweyaal ah ayaa dilay xili uu kasoo baxay masjid uu kusoo cibaadeystay oo waajibkii uu Alle ku faralyeelay soo fuliyey,ayaga ayaase caawa dhib qawa”
“Waxaan u sheegaya Shacabka Soomaaliyeed in marxuum Mustaf uu waqtigiisa intaa ku ekaa laakiin hadaannahay xildhibaannada baarlamaanka ee u dhaartay dalka iyo dadka marnaba falalka noocaan ah nagama niyad jiben doonaan gudashada waajibaadkii aan u dhaaranay,weyna naga go’antahay inaan ka miradhalino go’aanka aan dowladnimadeenna ku xoojisaneyno,dalkeenana ku hormarineyno”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Prof Jawaari.
Ugu dambeyntii gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shacbiga Soomaaliyeed ka codsaday iney muujiyaan isku duubnidooda islamarkaasna ay ka qeybqaataan hormarka dalkooda ayagoo Dowladoodana ku taageeraya shaqadii ay u idmadeen.
Dhamaad
Xafiiska Warfaafinta Gudoonka Baarlamaanka
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6151