|

Steven Gerrard oo raja weyn ka qaaba kulanka Axada (by liida) -aqri warbixinta

Kabtanka kooxda Liverpool Steven Gerrard oo rajo ka muujiayay inay guul wax ku ool ah ay ka gaaran kooxda Manchester united kulanka axada.

Waxa ayna  kuwada ciyaari doonan gegada anfield ee kooxda Liverpool ku ciyaarto.

 

Liverpool ayaa la ciyaari doonta kooxda mun utd,halka Liverpool afartii kulan Horyaalka ay ciyaartay 2 dhibcoot aye ka heshay, ayagoo haatan doonaya in guushii ugu Horeesay ee horyaalka haatan socda ay ka gaari doonaan kooxda mun utd.

 

Gerrard ayaa aminsan in kulanka axada uu noqon doono kulankii ugu adkaa aduunka, Asagoo doonayo in gacan  uu kusiiyo macalinka kooxda si guul wax ku ool ah ugaari Lahaaa.

 

Gerrard ayaa u sheegay website ka kooxda Liverpool “aniga xageega kulankan waa Kulankii ugu  adkaa sababtoo ah premier league waa koob weyn oo aduunkana ugu weyn Kobabka la ciyaara, labadeena kooxodna waa kooxaha ugu guuleysiga badan koobkan.

 

“Buunbuunin igama ahan marka aan sidaa leeyahay – waxaan u maleenayaa Liverpool vs Munchester united waa ciyaarta ugu adag aduunka. Barca iyo Real Madrid wee adagtahay Ciyaartooda oo teena oo kale aye u dhawdahay laakin, aniga tan wax igala adag ma arko.

 

“Waa ciyaar adag –waxaana  rabnaa inaan guuleesano kulankeeni ugu horeeyay ee aan Guuleesano tan iyo haatan markuu bilowday horyaalka,  waxaan  aminsanahay in guusha Ayna raaci doonto dhibcahana  aan qaadan doono”

 

 

Kulankan axada  ayaa la filayaa inuu noqdo kulan si wanaagsan kusoo gabagabooba Inkastoo macalimiinta  labada kooxood ay fariin baaq ah ay u direen taageerayaasha Kooxahaas iyo weliba ciyaartoyda in si xushmadeesan ay u wada ciyaaraan, lana ilaawo Dhacdadi xanuun ka laheed ee Hillsborough lagana dhigo  labada naadi saaxiibo xaga Kubada cagta

 

Maclinka kooxda Manchester United ayaa horay u sheegay in loo baahanyahay anshax Wanaagsan iyo kubad hufan labada kooxodna ay soobandhigaan kubad la jecleesankaro

 

www.qubanaha.com

 

FETAH ALI (LIIDA)

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6157

Posted by on Sep 22 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented