Xildhibaan lagu dilay cawa maqribkii muqdisho
Ala ha unaxariistee waxaa caawa Maqribkii Kooxo hubeysani ay Degmada waabari ee Magaalada Muqdisho ku Dileen Xildhibaan Mustaf xaaji C/laahi oo ka mid ahaa Xildhibaanada Cusub ee Soomaaliya .
Dilka Marxuumka ayaa waxaa Geestay Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo aan haybtooda la garaneynin waxaana ay ku dileen Hoygiisa uu ka Dagan yahay degmada Waabari iyagoo Goobta iskaga Baxsaday Markii ay Dilka geesteen
Marxuumka ayaa waxaa uu Dhalay Xaaska Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Axmed waxaana uu markiisii hore ka mid ahaa Ganacsatada Magaalada Muqdisho isagoo ku soo Biiray Dhawaan Barlamaanka Cusub ee jamhuuriyada Soomaaliya .
Dilalka iyo Qaraxyada ayaa waxaa ay Maalmihii Dambe ku soo bateen magaalada Muqdisho waxaana la dhihi karaa 48 dii saac ee la soo dhaafay waxaa Magaalada lagu dilay in ka badan 10 ruux oo shacab iyo masuuliyiinba isugu jira taas oo lagu Micney karo Muqdisho in Xiligaan Amaankeedu uu faraha ka baxay .
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6147