DAVID LUIZ OO HESHIIS CUSUB QALINKA KU DUUGAY (BY LIIDA)
Xidiga reer brazil david luiz oo heshiis cusub mudo 5 sano ah u saxiixay naadiga the blues ee Chelsea
David luiz ayaa heshiis 5 sano ah u saxiixay kooxda Chelsea, heshiiskaas ayaa ka dhigayo mid Ciyaaryahankan david luiz inuu sii joogayo ilaa iyo 2017
Ciyaaryahanka daafaca ee reer Brazil ayaa kaga soo biiray naadiga Chelsea kooxda benfica kana Dhisan wadanka Portugal heshiis lacageed gaaraya 21 milyan mudo gaaresa 19 bilood
Ciyaaryahan luiz oo ah 25 jir ayaa beryahan lala xiriirinayay in si toos ah ugu wareegi doono Kooxda Barcelona ee wadanka spain
Si kastaba ha ahaatee ciyaaryahankan ayaa mustaqbalkiisa ee Chelsea xaqiijiyay in uu sii joogi Doono naadigaas mudo dheer oo gaareesa ilaa 5 sano oo cusub. Inkastoo ciyaaryahankan Daafaca ku ad adag xiliga uu ciyaarayo daafaca dhexe uu yahay mid aan la mari Karin ayaa Marka uu kusoo biiray naadiga Chelsea kula guuleestay champuions league kuna noqday Ciyaaryahan qaada champions league.
David Luiz ayaa ciyaaraya 59 ciyaarood inta uu la joogay kooxda Chelsea waxa uuna dhaliyay Ilaa iyo 5 gool
“ Aad ayaan ugu farax sanahay in aan heshiis cusub aan u saxiixo naadigeega Chelsea” luiz ayaa Sidaa u sheegay website ka kooxda Chelsea.
“Chelsea waa koox weyn waxaana doonayaa in aan kula guuleesto kooxda koobab fara badan,
Waxaan doonayaa in mudo dheer aan u ciyaaro chelsea aana noqdo ciyaaryahanada sar sare Taana waa sababta aan Chelsea u doortay in aan u ciyaaro” luiz ayaa sidaa yiri”
Ciyaaryahankan ayaa kas baday taageero fara badan kadib marka uu soo bandhigay ciyaar Wanagsan iyo kalsooni xaga daafaca asagoona ku dhiiran ka qaadista kubada weerar yahanada Naadiyada ka hor imaada , hadaba waxaa daaqada ka baxay hamigii naadiga Barcelona eek u Aadanaa la wareegista ciyaaryahan david luiz .
Fetah ali (liida)
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6182