Somaliland oo Xukun Adag ka soo saartay Dadka caya Nabiga CSW iyo Diinta
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa shaaciyey xukun cusub oo lagu ciqaabi doono dadka caaya NebigaCSWS, diinta, malaa’iigta iyo weliba Ilaahay, kaas oo aan lahayn saamaxaad iyo jid kale oo lagu soo daayo toona.
Wasiirka Diintu waxa uu sheegay in xukunkan oo ah go’aan dhawaan uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland uu yahay xadhig laba sanno ah iyo ganaax wixii xaakinku ku rido qof kastoo lagu helo inuu aflagaadeeyey Alle, Rasuulkiisa iyo diinta, si ay ciqaab ugu noqoto, isla markaana xataa haddii uu cafiyo madaxweynuhu aan laga aqbalayn.
“Waxaannu codsi u gudbinay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu dhawaan soo saaray go’aan ah qofka caaya diinta, Nebiga ama malaa’iigta amaba Ilaahay aflagaadeeya in la mariyo xeer-ciqaabeedka u yaal oo aan laga aqbalin saamaxaad iyo ergo midna, xataa aan cafiska madaxweynaha laga aqbalin ilaa uu xukunkiisa dhammaysanayo oo uu toobad keeno. Xukunkuna wuxuu noqonayaa laba sannadood iyo wixii kale ee uu xaakinku u gooyo, iyadoo la eegayo in qofkaasi markii ugu horreysay ay tahay iyo inuu caadayste yahay.
Sidaasi ayeynu Nebigeenna ugu hiilinaynaa, bal ka warrama maanta ninkii Nebi Muxamed suuqyadeena ku caayayey ka cadhoonmayno oo maxaa iga galay ayaad leedahay, laakiin kii meel kale Nebi Muxamed wax kaga sawirray ayaan mudaharaad ka samaynayaa wax isku dhaw maaha,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu shalay xafiiskiisa ku qabtay.
Waxa kale oo uu sheegay in aan mudaharaadyo laga sameeyo filimka lagu aflagaadeeyey diinta Islaamku waxba ka tarayn ficillada gaaladu samaynayso, laakiin loo baahan yahay in lagu daydo Rasuulka oo loogu hiiliyo cibaadada iyo diinta oo lagu dhaqmo.
“Maanta sida dareenka muslimiintu u kacay waa in lagu kacaa shuruucda oo Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka laga soo saaro shuruuc lagu ilaalinayo waxyaabaha muqadaska ah oo diimaha iyo nebiyada la ixtiraamaa oo aan la aflagaadayn, laakiin ma bannaana in aynu maanta Hargeysa mudaharaad ka samayno oo aynu bilayskeenii iska hor nimaadno oo aan iyaga laftoodu u tababarnayn mudaharaadada oo halkaasi xabbadi ka dhacdo, markaana cid kasta oo xumaan doon ah ama ujeedo gaar ah lehi ku soo gabbado. Markaa culimada dalka waxaan ka codsaday ka wasaarad ahaan in aynu arrimahaana ka dhiidhino oo aynu ka hadalno oo masaajidada laga sheego, dadweynahana lagu waaniyo inay diinta u soo noqdaan oo Ilaahay adeecaan, Nebi Muxamedna (NNKHA) ku daydaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Khaliil Cabdillaahi.
xisgasho :jm
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6198