CIYAARYAHAN KELLY OO GAROOMADA KA MAQNAAN DOONA ILAA 2013
LIVERPOOL AYAA HAATAN SUGEESA TIJAABOOYINKA CIYAARYAHANADA AGGER IYO BORINI
Martin Kelly ayaa la sheegayaa in uu garoomada ka maqnaan doona ilaa 2013 ka kadib markii la Xaqiijiyay in ciyaaryahankan daafaca aga ciyaara kooxda Liverpool uu ka jabay jilibka midig.
Xulka England ayagana waxa soo food saaray walwal, ka gadaal markii ciyaaryahan Kelly uu ku Dhaawacmay ciyaartii kooxda Liverpool ay la ciyaartay kooxda mun utd , haa tan na waxaa la cadeeyay Ciyaaryahanka in mudo uu garoomada ka maqnaan doona.
Ciyaaryahan Kelly ayaa mari doona kab xaga jilibka uu ka jabay. Kooxda Liverpool na waxee sheegtay in Loo baahan yahay mudo uu kusoo kabsan karo oo weliba cayiman.
Maqnaanshaha daafacan ayaa ah dib u dhac ku imaan kara kooxda Liverpool iyo macalin Brendan Rodgers, asagoona weli aanan guuleesan tan iyo bilowga horyaalka England ee xili ciyaareedkan.
Macalinka kooxda Liverpool Rodgers ayaa la daalaa dhacayay dhaawaca ciyaaryahan Daniel Agger iyo Fabio Borini kulankii Manchester united ay kula ciyaareen gegadooda Anfield halkaa oo ay kooxda Liverpool afka ciida loodaray kuna dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda mun utd, halka Ciyaaryahan jonjo shelve uu qaatay calaamada casaanka .
Agger ayaa ka dhaawacmay jilibka asagoona jabin laf weyn laakin uu ahaa dhaawac halis ah in kastoo Lamid uusan aheen dhaawaca ciyaaryahan Kelly, haatan Agger wuu caafimaad qabaa laakin waxuu u Baahan yahay nasasho iyo bogsasho.
Kooxda Liverpool ayaa beryahan la daalaa dhaceesay dhaawacyo soo gaaray ciyaartoyda koooxda
Liverpool shan kulan oo horyaalka England aye ciyaartay hal kulan meysan badin , inkastoo Taageerayaasha kooxda Liverpoll ay weli raja weyn ka qabaan soo laabashada kooxdii Liverpool ay ku Garanayeen garoomada Anfield iyo garoomada kooxaha kale,
Si kastaba ha ahaatee waxaa bilow ah tartanka horyaalka England.
FETAH ALI (LIIDA)
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6396