|

Kaptankii hore ee xulka qaranka England oo ku dhawaaqay inuu howl gab ka yahay ciyaaraha caalamiga ee xulka qaranka England.

Kaptankii hore ee ee xulka England ayaa manta ku dhawaaqay in  gabi Ahaanba  uu  ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah ee xulka England.

Daafaca Chelsea ayaa horay eedeemo u soo jeedisay FA  da,  asagoo  lagu Eedeenayo in aflagaado xaga jinsiyada ama midib faquuq u geestay ciyaaryahan  Anton Ferdinand bishii October ee xili ciyaareedkii aynu kasoo gudubnay marki ay wada kulmeen kooxda QPR.

Terry ayaa markii hore si cad u inkiray eedeemahaas loo soo jeediday, Iyadoona weli wax cad oo laga  sheego aan kasoo bixin.

Sida jaraa idada qaar ay sheegayaan in Terry uu la kulmay tababaraha xulka England si ula socod siiyo arintiisa ku aadan ka fadhiisashada ciyaaraha caalamiga ee xulka England.

TERRY ayaa yiri :aniga manta waxaan ku dhawaaqayaa in aan ka  Fariisanayo ciyaaraha caalamiga ee xulka qaranka England ”.

Terry ayaa u mahad celiyay macalinka xulka qaranka England soo doorashada uu soo doortay team England  in uuna ku faraxsanyahay dhamaan ciyaaryahanada xulka ay mudo wada ciyaareen.

“waxaan u mahad celinayaa dhamaan taageerayaasheeda iyo familkeega oo Igu dhiira geliyay mustaqbalkeega ciyaareed inta aan ku guda jiray kubada Cagta” John Terry ayaa sidaa yiri.

“In  aan  matalo  xulkeena  qaranka iyo in aan noqdo kaptanka xulka England waa waxa aan ku fakiri jiray xiligii aan yaraa, dhab ahaantii waxee Ii tahay sharaf aad u weyn , wax walba waan u huray xulka iyo sports kaba  , laakin waxaa I murugo gelinaya go aan kan manta aan qaatay.

Waxaana u rajeenayaa macalin Roy iyo Team kaba guulal fara badan Mustaqbalkooda ku aadan ciyaaraha.

Terry ayaa beryahan ba lagu heestay midib faquuqa uu kula kacay ciyaaryahan Anton Ferdinand , FA da ayaa damacsan in Terry ay ka fadhiisiyaan ciyaaraha caalamiga ah,  asna  si  buuxda ayu ugu dhawaaqay kafa dhiisashada xulka England.

Ciyaaryahan terry ayaa sheegay in kooxdiisa Chelsea uu iskala ciyaari doona inta uu ku dhex jiro ciyaaraha iyo kuwa yurub ee champions league.

Terry ayaa kulankiisa ugu horeyay u ciyaaray kooxda England sanadii 2003 asagoona badal kusoo galay waxena kulankaas  laciyaarayeen  xulka qaranka Serbia Montenegro.

Terry ayaa loo magacaabay kaptanka xulka qaranka England sandii 2008 waxaana u magacaabay tababare Fabio Capello, laakin xilka kabtan nimada ayaa laga xanyuubiyay kadaal mar uu danbi ka galay ciyaaryahanka ee isu koxda aha yeen waa weyne bridge.

Terry  dib ayaa loogu dhiibay kaptan nimada xulka qaranka ee England bishii march ee sanadii 2011 , laakin  markale ayuu waayay bishii February. xukun kaas xil ka xayuubinta ayaa qaaten 14 qof oo ka tirsan FA da ., ayagoona aan la tashan  macalinkii markaa watay xulka England waa macalin  Capello-  taa  ayaa keentay in macalinka kooxda qaranka England Fabio capello uu xilka iska dhiibo amaba uu iska casilo sababtana ay aheed asaoo kaptan nimada uu la doonayay in uu sii haayo  ciyaaryahan John Terry.

FETAH ALI (LIIDA)

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6282

Posted by on Sep 24 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented