|

RAFAEL MAXUU KAYIRI GOOSHA XALAY UU KU NIYAD JABIYAY KOOXDA LIVERPOOL (BY LIIDA)

Ciyaaryahanka reer brazil una ciyaara kooxda kubada cagta Manchester united, Rafael ayaa sheegay goosha uu  ka dhaliyay kooxda Liverpool maalin nimadii axada ay aheed  gooshiisii ugu quruxda badneed ee uu dhaliyay inta uu ku sugnaa kooxdiisa Manchester united , inkastoo uu tilmaamay in gooshaas ay furo u aheed sedax dii dhib cood ee kooxdiisa manchester united kagala soo hooyatay gegada Anfield ee kooxda Liverpool ay ku tahay libaax.

 

Ka gadaal shan kulan kooxda Liverpool may san guuleesan haatana gagada ay ku ciyaarto ayaa lagaga xayuubsaday sedax dhibcood, in kastoo 10 ciyaartoy ay ahaayeen kooxda Liverpool ka gadaal markii ciyaaryahan shevley uu qaatay karaka casaanka ah.

 

Kooxda Liverpool ayaa ciyaar wanaagsan soo bandhigtay kulankii shalay ay la ciyaartay kooxda Manchester united.

Waxaa gool qurux badan u dhaliyay ciyaaryahanka kooxda Liverpool ahna al kapitaano steven Gerrard

 

Laakin waxaa si dhib la aan usoo bareejeeyay ciiyaaryahanka daafaca midig ee kooxda mun utd waa ciyaaryahan Rafael asagoo dhaliyay gool aad u qurux badan,dadka faaqida sports ayaa sheegay in goolka Rafael uu ahaa gool aad u qurux badan laakin uusan dhalin nin daafac ah.

 

Waxaa kooxda Liverpool quusiyay ciyaaryahan robin van persie  oo dhaliyay gool ku laad ka gadaal markii ciyaaryahan Valencia lagu galay Rigooraha .

 

“waxee aheed waqti wanaadsan xiligii aan dhaliyay goosha barbar dhaca”Rafael ayaa sidaa yiri.

 

“dhabtii waa goolkii iigu quruxda badnaa ebad aan u dhaliyay kooxda mun utd”

“ilaa afar gool ayaan u dhaliyay kooxda mun utd halka  mid ah madax ayaan ku dhaliyay halka labana aan ku  dhaliyay lugta bidix, taana waxee ii muujineesa in lugtabidix aan ku wanaagsanahay” Rafael ayaa sidaa hadalkiisa ku daray.

 

Fetah ali (liida)

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6391

Posted by on Sep 24 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented