|

Wariye Maano Iyo Shaqadeeda Cusub Ee Biyo Dhaamiska ! Warbixin Iyo Sawiro Murugo Leh .

Wararka laga  helayo xerada qaxootga xagardheer  ee dadaab aya ku warmaya in tiro wariyaal  ah oo ka howl  galayay   Somaliya haatan nolol  xumo aad u liidatad in ay ku hayso gudaha xerada xagardheer.

Maano  Xuseen  Ibraahim  oo ka tirsaneyn wariyaashii ka howl galayay idaacadii Horn Afrik ee Marka ayaa haatan  barac ku timid xerada qaxootiga iyada iyo  sedex caruur oo ay dhashay ayna u sii dheer tahay hooyadeed oo waayel ah .

Maana ayaa sanadihii 2005-2006 -dii ka howl galeysay Horn Afrik Marka halka idaacada Shabelana si madax baan xili dambe ay ula shaqeeysay , waxa

ku qasaby in ay soo barakacdo  ayaa ah mid ay wada qabaan wariyaasha taasi oo ah dhanka amaanka xilli dilalka ka dhanka wariyaasha Somalida uu gaaray

heer aad u saareya .

Socdaalkeedaan qaxa  ah ay ku timid Maano xerada xagadheer 2- Febarayo ee sanadkaan  lama kulmin war farxad leh ee waxa ay gashay nolol aad u liidata .

Maano dadka garanaya ee ay soo wada shaqeyeen waxa ay si weyn ugu xasuustaan in ay aheyd  saxafiyad  howl kar ah isla markaana si weyn uga dhex muuqutay dhanka arimaha bulshada.

Wariyaal ka tirsan shabakada arimaha qaxootiga Somalida Dadaab ka hadasha ee dadaabrefugee.org ayaa  Maano ku booqday   teendho yar oo aysan dhex oolin agabkii jiifka iyadoo  ay u sii dheer tahay cadceeda qoraxda iyo dabeesha oo  ay marti u noqotay .
Wariye Maano waa ay ku adag tahay nolosha xerada mana heli karto wax ay nolosheeda ku maareyso iyadoo  kaliya dhowr kiilo raashiin isugu jira bur , galeey iyo saliid  ka hesha WFP , waxaana hubaal in  qoys ka kooban 5-ruux in ay ay adag tahay in nolosha ku  maareeyaan  .

Marka ay weysay fursado iyo agab u sahlaya in ay wadato shaqadeedii wariynimo waxa ay danta ku qasabtay in ay gasho biyo aruurid.

Maano oo tabar ahaan awoodin qaadista 20-liitar oo biyo ayaa maalintii  illaa shan qoys u xamaasha ugu yaraan 20- jirkaan oo biyo halka lacagta ka soo gashana ay dhan tahay 100- shilin oo lacagtakenyaah  doolar ahaanna xitaa aan  gareyn hal  doolar , waa nolol adag xitaa ma buuxin karto caanaha sedex caruur oo isuma qaddo ah .

Waa Xanuun qof waliba oo dareen leh damqineysa , waxa ayna shabakada dadabrefugee.org ka codsaneysa qof waliba oo dareemaya baaxada xanuunkaasi ay gacan siiyaan maano oo baahida ugu daran ay  tahay hoyga iyo  quutal yoomkii caruurteeda .

Sidoo kale Wariye Maxamuud C/raxmaan Beenbeene oo si weyn looga dhex garanayo saxaafada Somaliya  isla markaana  sanado badan Afgoye uga waramayay Tvga iyo  idaacada horn afrik iyo GBC ee magalada Muqdisho  ayaa   isna ka mid ah wariyaasha ku dhibaateysan xerada  Xagardheer Dadaab .

Beene beene oo  bilaawgii sanadkan soo gaaray xerada ayaa xaalad adag isna ku jira , marka laga soo tago dhaawacyo rasaaseed oo  soo gaaray xilli la doonayay in laga taqaluso ayaa waxaa haatan u sii dheer in uu u  baahan  yahay qaliin dhanka lugta ah iyadoo nabar ka soo baxay uu fariisiyay una saamixi waayay in uu dhaq-dhaqaaqo tiiyoo ay u sii dheer tahay xanuun dhanka sokorta ah  oo ku dhacay isla markana uusan si joogta ah u helin daawadeeda.

Beene beene oo isna wariyaasha  dadaabrefugee.org booqdeen ayaa  qoyskiisa oo ka kooban 13 caruur  iyo labadooda hooyo waxaa ka muuqday nolol aad u liidata .

Hadaba hadaad daneyneyso in aad caawiso ama in aad xogtooda wax ka ogaato  nagala soo xariirinfo@dadaabrefugee.org si aan  xariir idinkugu sameyno .

Dadaabrefugee.org

The Voice Of  The  Refegees.

 www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6319

Posted by on Sep 24 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented