|

Farmaajo oo biniyey in loo magacaabay Ra’iisulwasaare.

Ra”iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaaajo ayaa waxaa uu Beeniyay hadalo ay isla Dhex Qaadayeen saacidihii ugu Dambeeyay Qaybaha kala duwan  ee Bulshada ku waas oo ahaa in Madaxweynaha Dalka Prof Xasan Sheikh Maxamuud uu u magacaabay Ra”iisul wasaare isaga.

Waxaa uu sheegay Farmaajo in Arintaa aysan wali soo gaarin isaga uusana waxba ka ogeyn isagoo Shacabkana ugu baaqay in ay is dajiyaan Rabitaankoodana ay ku mahad sanyihiin .

Wixii ka Dambeeyay 2:00 PM Duhur ee Maanta ayaa waxaa Magaalada Muqdisho Gees ka gees is qabsaday Rasaas Xoogan oo ay Ridayeen Ciidamada Dowladda iyo Intii hub haysatay ee Soomaali ah ee joogtay Magaalada Muqdisho iyo hadal hayn ah in Ra”iisul wasaare loo Magacaabay Mr Farmaajo.

Agaasimaha Madaxtooyada oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa Isna sheegay in arinkaas uu yahay Mid aan jirin Madaxweynuhuna uu wali ku jiro tashiyadii ugu dambeeyay uuna dhawaan ku dhawaaqi doono Ra”iisul wasaare.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6490

Posted by on Sep 25 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented