Nemanja vidic oo garoomada ka maqnaandoona 8 isbuuc
Kaptanka kooxda mmanchester united oo lagu sameeyay Qliin xaga jilibka, garoomadana ka maqnaan doona mudo 8 isbuuc ah
Cyaaryahanka daafaca kooxda manchester united ayaa ka maqnaa kulankii kooxdiisa ay la ciyaartay kooxda Liverpool 2-1 na guusha ku raacday kooxda Mun utd, asagoo Ka cawanayay dhaawac xaga jilibka ah ,baaritaan xaga caafimaadka ee lagu sameeyay ayaa lagu cadeeyay dhaawacaas jilibka ka heysta.
ciyaaryahankan u dhashay wadanka serbia ayaa mar hore lagu sameeyay qaliin si loo kabo carjaw wax kasoo gaartay, tan ayaa ka dhigeesa in vidic markale mudo uu ka maqnaan karo garoomada, asagoona xili ciyaareedkii aynu kasoo gudubnay shanta bil ee ugu danbeesay horyaalkii hore uu san ciyaarin dhaawac soo gaaray awgeed.
warkan ayaa lagu xusay website ay kooxda leedahay in vidic lagu sameeyay qalin jilibka midig ilaa iyo 8 isbuucna uu kamaqnaan doono ciyaaraha kooxda mun utd.
Sir alex ferguson ayaa si qibrad ku jirta u fariisiyay vidic ka gadaal marku ka sheegtay dhibaato xaga jilibka ah, sida ay sheegeen qolooyinka caafimaadka ee kooxda mun utd
kooxda mun utd ayaa walwal xaga daafaca soo food saartay, iyadoo horay dhaawacyo ku maqnaa smalling iyo jones halka Rio Ferdinand asagana caafimaadkiisa aan si toos ah loo oran karin waa taam
Fetah ali (liida)
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6525