Pr Jawaari RaӒisulwasaare noocee ah ayuu rabaa in la horkeeno Barlamanka Soomaaliya? ( Akhriso Nux nuxda Madaxtoyada)
Madaxweynaha Dowlada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa xalay kulan xasaasi ah la yeshay Gudomiyaha Barlamanka Soomaaliya kaasi oo lga hadlaayey arinta Magacaabista Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo Qabkii loo ansixinlahaa hadiii la magacaabo Ra’’iisul wasaare
Pr Jawaari gudoomiyaha Barlamaka Soomaaliya ,ayaa waxaa uu ku la taliyey Madaxweynaha in uu soo xulo Shaqsi Howlkar ah oo Marka xildhibanada la horkeeno ay ku qanci karaan si loo siyo Codka kalsoonida Barlamanka Soomaaliya.
Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa sidookale shegay in Barlamanka Soomaaliya uu yahay Barlaman wadani ah oo doonayaao in uu umada Ka saaro dhibatada Ka jirta Wadanka islamarkaasina uu helo Dowlad uu la shaqeynkaro oo Soo gudbin karta Misaaniyad Lagu qancikaro.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiiikh Maxamuud ,ayaa Markii uu dhageysatay Talada Gudoomiyaha Barlamanka ,ayaa waxaa uu shegay in uusan ku tala jirin in uu Barlamanka Horkeeno Shaqsi Musuqmaasuq iyo Wax is daba mareyn Sameynaya,.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa uu hada ku tala jiraa in uu Soomagacaabo Ra’’iisulwasare ay ku qancikaraaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Barlamanka kaasi oo hada taladiisa lagujiro in kastoo oo ay u dhaowdahay in lamagacaabo Isla isbuucaan gudihiisa .
Xildhibaano kujira Barlamanka Soomaaliya oo siweyn ugu dhow Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ,ayaa waxaa ay Shabakada www.qubanaha.com u sheegeen in kulanka uu ahaa mid talooyin wanaagsan lagu kala qaatay oo siweyn loo gor feyey Xukuumda soosocota Qaabka ay noqoneyso iyo sidii looga hortagilahaa Musuqmaasuqii hareyey Dowladihii hore u so maray Soomaaliya ee kumeelgaarka ahaa.
www.qubanaha.com
Nagala Sooxariir qubanaha@yahoo.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6442