|

PUNTLAND OO MARKII U HOREYSAY YEELATEY XARUNTA KAYDKA DHIIGA (Warbixin Sawiro leh

Gaalakacyo[Qubanaha.co] Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa markii u horeysay ku guulaysatey inay furto xaruntii keydka dhiiga (Blood Bank Center) taas oo 24-ka Sept 2012 laga furey Isbitaalka guud  ee Boosaaso.
xafladii furitaanka waxaa kasoo qaybgalay wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame, Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr. C/risaaq Xirsi Xassan, Agaasimaha Isbitaalka guud ee Boosaaso Dr. C/laahi Siciid Aw-Muuse iyo Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ee dalka Soomaaliya Dr. Marthe Everard, shaqaalaha WHO ee Puntland, Shaqaalaha Isbitaalka guud iyo marti sharaf Mashruucan lagu hirgaliyey xarunta Kaydka Dhiiga ee Puntland waxaa iska kaashaday Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Puntland iyo Hay’adda WHO Somalia oo door weyn ka qaadatey qalabka iyo tabobarada shaqaalaha xarunta kaydka dhiiga ka shaqaynaya.Munaasibadan qiimaha badan waxaa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha Isbitaalka guud ee Boosaaso Dr. C/laahi Siciid
.
Aw-Muuse waxaana u sheegay inay farxad wayn u tahay in markii u horeysay Puntland oo dhan laga furo xaruntii kaydka dhiiga lagana hirgaliyo gudaha Isbitaalka guud ee Boosaaso, waxaa uu mahad balaaran u jeediyey wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda WHO Somalia, waxa uu dhakhtarku ka codsaday hay’adda WHO inay joogteyso daawooyinka looga shaqeynayo xaruntan iyo tabobarada shaqaalaha la siinayo si shaqadu u noqoto mid dardar leh maadaama ayuu yiri xaruntan ay Puntland oo dhan ka dhaxayso waa in la joogteeyaa adeega xaruntan ay ku shaqayso wuxuuna ka digay in hakad ku yimaado mustaqbalka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. C/risaaq Xirsi Xassan ayaa isaguna dhankiisa farxad badan sheegay inuu qabo maadaama ay wasaaradda caafimaadku ku guulaysatey inay hirgaliso xarunta kaydka dhiiga ee Puntland waxa uu mahadnaq usoo jeediyey hay’adda WHO Somalia oo kaalinta ay ka qaadatey ay saraysay, waxa uu sheegay Agaasimuhu in xaruntan ay tahay kaydkii guud ee dhiiga Isbitaalada kale ee gobaladuna ay wada shaqeyn la yeelanayaan xaruntan oo dhiiga kaydka ah u qaybin doonta guud ahaan Puntland sida uu Agaasimuhu sheegayWasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa isaguna waxa uu sheegay inay farxad u tahay inuu xariga ka jaro xaruntii guud ee kaydka dhiiga Puntland taas oo uu wasiirku sheegay inuu ku taamayay in maalin uun uu ku guulaysto hirgalinteeda, wasiirku waxa uu carabka ku dhuftey inay dadaal badan ku bixisay wasaaraddu hirgalinta kaydka dhiiga ayna muddo ku qaadatey hawshaas maanteyna ay tahay maalintii xariga lagajarey oo ay shaqo diyaar u tahay xarunta kaydka dhiiga, wasiirku waxa uu mahadnaq balaaran usoo jeediyey Dr. Marthe Everard oo ah madaxa WHO Somalia uuna sheegay inay qayb libaax leh ka qaadatey intiia ay xafiiska joogtey hirgalinta xarunta kaydka dhiiga ee Puntland.
Wasiirka Caafimaadku waxa uu sheegay in Xaruntani ay noqonayso kaydkii guud ee dhiiga  ayna ku xirnaan doonaan dhamaan Isbitaalaada Puntland, wasiirku waxa uu sheegay inay dhibaato wayn ka jirtey kayd la’aanta dhiiga oo ay shacabku dhibaato xoog leh ku qabeen qofkuna uu dhimanayay iyadoo dhiigiisa la waayo sababtana wasiirku waxa uu ku sheegay inay jiraan dhiigag dhif iyo naadir ah oo ay waqti qaadanayso in qofka u baahda qof la dhiig ah loo helo taas wasiirku waxa uu sheegay in laga baxayo oo dhiiga la kaydinayo isagoo ka codsaday bulshada inay dhiiga ku deeqaan oo qof walba oo og in dhiigiisu dhif iyo naadir yahay uu iskeeno Isbitaalka si dhiigaas looga faa’idaysto maadaama uu yahay dhiigaga loo baahan yahay in la helo marka loo baahdo.
Dhibaatooyinka kale ee kayd la’aanta dhiigu waxay tahay sida dhakhaatiirtuba sheegeen in shilalka gawaarida iyo dhaawacyada dagaalada ay ka dhashaan bukaano badan oo u baahda dhiig kuwaas oo dhiig la’aan u dhinta inta lagu jiro baarista dhigooda, keenista dadka laga shubayo dhiiga iyo raadinta nooca dhiiga loo baahan yahay iyo baarista caafimaadka dhiigaas qofka laga shubayo, waa waqti runtii laga yaabo in qofku noolaanwaayo taas oo loo yeelayo inaan qof jiran dhiigiis lagu shubin bukaankaas.Ugudanbayntii wasiirka caafimaadku waxa uu xariga ka jaray xarunta cusub ee kaydka guud ee dhiiga (Blood Bank Center), waxaana markaas ay madaxdu booqdeen xarunta iyo qalabka yaala waxaana uga warbixiyey Dr. Saciid Maxamed Jaamac oo WHO u qaabilsan shaybaarada kaas oo sharaxayay qalabyada yaaley xarunta sheegayna in wixii Blood Bank looga shaqaynayay ay ku diyaar yihiin xarunta loona tabobaray shaqaalihii iyadoo uu sidoo kale sheegay in qalabka yaala uu yahay mid casri ah, shaqaalaha ayuu Dr. Saciid sheegay in 8 ka mid ah ay tabobar ugu maqan yihiin dalka diabdiisa ayna dhawaan imaan doonaan, habka dhiiga dadka looga qaadayo iyo ka hor dhiig qaadista ayaa dhakhtarku sheegay in qofka marka uu yimaado xarunta waraysi lala yeelanayo iyadoo la waydiinayo ujeedka uu u yimid, dabadeedna loo sheegayo cudurada laga baarayo ka hor inta aan dhiig laga shubin ama waxa looga baahan yahay waxaana laga baarayaa dadka sida dhakhtarku sheegay HIV/AIDS, Hepatitis B iyo C, Isfiilito, HP-giisa oo la ogaanayo iyo miisaanka qofka kadib markii qofka caafimaadkiisu uu sidii laga rabay noqdo wax walba oo looga shubi karo dhiigna uu buuxsho ayaa dhiiga laga shubayaa qofka sida uu dhakhtarku sheegay
.waxaa war kaan soo dirtay Falastiin Cabdulle oo ku sugan Puntland
Kalasocoxilikasta warar xaqiiqaa  oo ka dhab sheegaaya xaalda  runtaa  ee  kajirta caalamaka oo  dhan

 www.Qubanaha.com

Daawo sawirada

 


Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6472

Posted by on Sep 25 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented