|

Aqoonta iyo qabyaaladduu Soomaalidu miyay isla qabsadeen? (Qalinkii Maxamed Xaaji)

(Gothenburg) 26 Sept 2012 Dadka yaqaanna culuunta barashada iyo la tacaallida ili-ma aragtida ee loo yaqaanno microbiology waxay sheegaan in ili-ma aragtida lagula dagaallami karo dawooyinka lagula tacaalo caabuqa ee loo yaqaanno Antibiotics-ka, hadii uu VIRUS yahayna dawo malaha lkn TALLAAL iyo ka hortag ayaa loogu roonaadaa.

Laakiin nasiibdarro waxaa 60-kii sanadood ee u dambeeyey sii xoogeysanayay heshiiska (Isla qabsiga) ka dhexeeya cudurrada iyo caabuq dilihii lagula dagaallami lahaa taasoo keentay inay cudurro badani xakamaha goostaan.

 

Waxaan sheekadan usoo ergaystey markaan arkay bahdii aqoonta u saaxiibka ahayd ee dalkeenna Soomaaliya  oo u muuqda kuwo banaanka ka taagan ama dabada uga taagan horumarkii dalka,  talo xumo ha u gayso ama tabtii ay barteen si xun ha u adeegsadeene, aqoontii dalku qabyaalad bay qaraabo la noqotay oo sida tusaalaha sare ka muuqata waxaa isla qabsaday QABYAALLADII iyo AQOONTII Soomaalida.!

 

Waxaan tusaale usoo qaadan karnaa qaska dalka ka taagan iyo basiinka lagu shido oo ah QABYAALAD ayaa la yiri xal halloo raadsho markaasaa la yiri GAAS halugu sii shubo si holucu u yaraado markaas ayaa shirkii Carta laga soo saaray qaab qaybsiga khaldan ee  4.5.

 

Intaa loogama harine 4 sanadood kadib baa Kenya la iskugu tegey markaas baa waxaa kasoo baxday FEDERAAL wareersan oo markii 4.5 oo lagu biiriyo  qabyaaladii aan caanka ku ahayn noqotay sidii qof CHOLESTEROL la bistii ah oo SUBAG IDAAD lagu daaweeyey.

 

Beri baa waxaa xaflad aroos ah iskugu yimid LIBAAXYO markaasay yiraahdeen aan ciyaarno, jeer ay ciyaartu meel wanaagsan marayso ayaa waxaa kusoo dhex dhacay JIIR/DOOLLI Libaax iska yeel ah markaasaa la yiri: ‘’War maxaad tahay markaasuu yiri: ‘’Libaax baan ahay’’ markaasaa la yiri: ‘’Ma adigan jiirka ah baa Libaax ah?’’ Markaasuu yiri: ‘’Libaax baan ahaan jirey lkn aroos xun baan ka ciyaaray markaasaa DOOLLI la iga yeelay’’.

 

Waxaan uga dan leeyahay aqoontu waa sharaf, waa awood, waa caqli,  waa aragti, waa iftiin lkn marka aad warac-gediso oo aad dhanka xun u weeciso waxay noqonaysaa cudur laayaan ah oo tallaal iyo dawo lahayn waayo FIDNADII cilmi lagu maleegaa way ka cillad wayn tahay middii jahli abaabulo. Sidoo kale sida jiirkaa libaaxa ahaan jirey ayaad booskaagii kasoo dhacaysaa oo hoos usoo dhaadhacaysaa.!

 

Maanta waxaa loo wada dheg taagayaa khabarka kasoo dhici doona dalkii aan u dhalanay (Dhawaq khayr leh Allaha ka keenee) iyadoo la sugayo wasiirka 1-aad oo horseed u noqon doona xukuumadii dalka ka talin lahayd 4-ta sanadood ee soo aadan lkn dadku isku aragti iyo isku waaqiciyad midna maaha.

 

Waxaase ugu daran markii aan arkay qof 20 sano iyo sugood qurbe joogey ee arkay sida aysan waxyaabaha rakhiiska ah ee nakala qoqobay aysan aduunka qaado bariis ah uga gooynin oo ku leh: ‘’Waxaan ahay AQOON YAHAN, DR, PROF, MACALIN, WERIYE, SIYAASI, IWM oo misna la dhacsan in qof QABIILKIISA ah xilka loogu dhiibo yaad tahay darteed taasoo muujinaysa in aqoontii iyo waaya aragnimadii qofkani aanu midkoodna waxba ka bedelin qaabkii khaldanaa ee uu u fikirayeen dadka caadiga ah ee FADHI-KU-DIRIRRADA jooga.

 

Tan iyo markii ay Soomaaliya gob noqotay 1960-kii waxyaabaha ugu waawayn ee dib u dhigay isla markaana dhufaanay inaan nidaam dowli ah oo bisil la nimaado waa QAYBAALADDII oo xafiiskii dowladda la geeyey taasoo uu mas’uul ka yahay nin AQOON sheeganaya maantana isla ninkaas ayaa dadka bari kara inay iska iloobaan in xafiiska dowladdu uu noqdo NAAS U IRMAAN cid gaar ah, hadii sidaa la yeelana Soomaaliya xitaa waxaa ka baabi’I lahaa waxa loo yaqaanno kursiga REER HEBEL oo ay dadka qaarkii CAYMIS ahaan u isticmaalaan iyagoo aan ku kalsoonayn qof kasoo jeeda REER QANSAX kale.

 

Ugu dambayntii waxaan rajaynayaa inay maalin uun iman doonto in AQOONTU ay noqoto hub si kama dambays ah u ciribtira qabyaallada iyadoo la bedelayo HAB-DHAQANKA aqoonyahanka maanta ee la qabsatay QABYAALLADDA taasoo noqotay sidii DUUMO (Malaria) adkaysi u yeelatay dawadii (Chloroquine) lagu ciribtiri lahaa waayo dad badan oo Soomaaliyeed ayaa is waydiinaya halka ay ku dhibicday aqoontii iyo sababta uu dalku u noqday mid lagu maamulo CAQLI JAAHIL ah iyo siyaasad JAR KA BOODDO ah?.

 

Waxaa sidoo kale muhim ah inaan ogaano in aqoonta lafteedu aysan waxba tareeynin hadii aysan XIKAMDI la soconin waayo markii qaabka AHRAAMTA oo kale loo istaajiyo shaxanka aqoonta waxaa ugu hooseeya XOGTII, kadib waxaa ku xiga wixii aad baratay oo ay tahay inay micne kuu sameeyaan, kadib CILMI ayaad leedahay, waxaa ku xiga in aad FIKRAD iyo FIIRO ka dhaxasho, markaas ayaad XIKMAD dhalaysaa iyadoo ay xikmaddu tahay tan ugu sarreeysa.!!

Waxaan jeclaan lahaa inaan qormadan kusoo afjaro maanso yar oo jacbur ah oo aan ka tiriyay dhibaatada QABYAALLADA iyo qamuunyada ay leedahay oo aan u bixiyay ‘REER QURUN BARKADE MAQAL’

 

REER QURUN BARKADE MAQAL: Qaranimo la saanyado,

Horumar qaaya gaariyo, Heshiisiin aan qabaniyo.

 Ciidan qalab sidoo dhami, waxba qaadi maayaan.

 Qiime yeelan maysaan, Oo khadkiinu wuu dhumi.

Inta qorshuhu sidan yahay, Talo way qaloocnaan.

 Qaaradaha aduunkana, Injir baan ka qoranahay.

 Hadaad doonto is qaad qaad, Oo qabiil ku faaniyo.

Qiyam beena isu yeel, Qiyaastii dhabtaa tiri.

Qarnigan maanta joognaa, Qir iyo qir aan dhamaaniyo.

Qoys qoys is dila iyo, Qabtoo laysku haayiyo.

QABYAALAD laysku qoomiyo, Cashiiro is qaniintiyo.

QABALI qaaddo kuma lehe, Qoomyohow is daba qabo…!!


Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6584

Posted by on Sep 26 2012. Filed under Qormooyinka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented