|

Dhalinyaro Waxyaabaha Qarxa Lagu Qabtay Muqdisho(Daawo Sawirada)

Hey’adda nadad sugida qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigtay sedex ruux oo dhalinyarro ah iyo miinoyin xilli ay doonayeen in ay ku aasaan xaafado katirsan degmada Yaaqshiid kadib howlgal ay ka sameeyeen degmadaasi.

Dhalinyarada ay maanta soo bandhigeen Hay’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxa ay ahaayeen Sadax ruux kuwaas oo ah dhalinyaro ay marin habaabiyeen kooxda maleeshiyada Al- Shabaab.

Dhalinyaradaan lagu soo qabtay howlgalka iyagoo gacanta kula jira sida ay sheegeen Nabadsugidda Howlo lagu khal khal gelinaayo arrimaha ammaanka ayaa waxaa saxaafadda u soo bandhigay Taliyaha Ciidanka Nabadsugida ee gobolka Banaadir Khaliif Axmed Erag wuxuuna tilmaamay in ciidamada howlgal ay xalay ka sameeyeen xaafadda shirkadda Kookakoola ee dagmada Yaaqshiid ay ku soo qabteen dhalinyaradaan iyagoo ku howlan aasida miinadaan ama walxa qarxa hareeraha wadda laamiga ah.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in dhalinyaradii ay soo qabteen ay yihiin kuwo la qalday oo aad u dayar aana jecleen in ay dhibaateeyaan dadkooda sidaa daraadeed ay kooxda Al- shabaab ku qasbeen in ay geystaan dhibaato.una geystaan shacbiga soomaliyeed.

Ciidamada hay’adda nabadsugida ayaa haatan howlgallo balaaran ka sameeyay xaafado ka mid ah dagmada Yaaqshiid halkaa oo lagu tuhunsanyahay in ay weli ku dhuumaaleysan karaan maleeshiyaadka kooxdda Al- shabaab si ay dhibaato ugu geystaan shacbiga Soomaliyeed.








Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6579

Posted by on Sep 26 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented