Feel ayaa loo Galaa Cuntada Maqaaxidda Afro Deli & Coffee
Maqaaxidda Afro Deli & Coffee ee ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ka mid noqotay maqaaxidaha iibiya cunnada ugu macaan ee sida aadka ah looga hadal hayo dalka Maraykanka.
Wargeyska aadka loo aqristo ee The Wall Street Journal oo warbixin ka diyaariyay maqaaxiyaha sameeya cunnooyinka dhaqanka ee ugu cuntada macaan, iyadoo maqaaxiyaha uu soo xigtay ay ku jirto maqaaxi uu aasaasay Abdirahmaan Kaahin oo ah muwaadin ka soo jeeda Jamhuuriyadda Djibouti.
Maqaaxidda waxaa lagu sameeyaa cunntooyin ay ka mid yihiin Sambuuska saddex geesoodka ah oo dhexda lagaga buuxiyay hilib iyo khudrad kala duwan oo hab aad u dhadhan wanaagsan loo shiilay, ayaa lagu yiri faallada wargeyska Wall Street Journal.
Mr. Kaahin oo nin dhalinyaro ah waxa uu maqaaxiddan aasaasay laba sano ka hor, wuxuuna si deg deg ah ku kasmaday macaamiil aad u tiro badan, kuwaasoo cuntada dhadhanka wanaagsan ee uu sameeyo ay aad u jecel yihiin macaamiishiisa.
Maqaaxidda Afro Deli & Coffee waxaa mar walba la arkaa iyadoo feel loogu jiro cuntada taalla oo ah mid Soomaalidu ay dhaqan u leedahay, balse hab casriyeysan loo sameeyay, taasoo soo jiidatay macaamiil badan oo madow iyo caddaanba leh.
Soomaali badan ayaa sidoo kale maqaaxidda uu furay Cabdiraxmaan Kahin si aad ah ugu xiran.
www.qubanaha.com
nagala sooxariir qubanaha@yahoo.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6565