|

Maxay tahay Sababaha Dib logu dhigay Magacaabista Ra’iisulwasraaha? Akhiriso ilaa lix sababoob oo Caqabad Noqday (Xanta Madaxtooyada)

Wararka aanu ka heleyno Magalada Mqudisho ee Caasimada Soomaaliya ,ayaa waxaa ay shegayaan  in dhoowr Sababood hakad loogaliyey Magacaabistii Ra’’iisulwasaaraha Soomaaliya oo lagu waday in manta lamagaacabo kadib markii shalay la is ku afhgaratay qofkii noqn lahaa Wasiirka 1aad ee Dowlada Soomaaliya.

Sababta 1aad ,ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu doonaayo in uu safar deg deg ah uu ku aado Magalada Nairobi ee dalka Kenya si uu halkaasi kulamo ugula sooqaato Xubnaha muhiimka ah ee besha caalamka ee daneeysa siyaasad Soomaaliya .

Sababta 2aad ayaa waxaa lagu shegay in Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud uu doonaayo in uu sugo Cabdiwali Cali gaas oo Ah hada Ra,iisulwasaraha  ku meel gaar ka ah ee Sooomaaliya si uu u sameyo xil wareejin .

Sababta 3aad , ayaa waxaa lagu shegay in Marka hore Barlamanka Soomaaliya Lagahelo Codad tirabadan si loo ansixyo Ra’’iisulwasaraha cusub madama Barlamanka  hada jira uu ka duwan yahay ku wii hore oo aan lamarsiinkarin waxyaabaha qaar iydoo wadatashigaasina uu socdo.

Sababta 4aad ayaa waxaa lagu shegay Qancinta Maamul goboledk a Puntland oo muhiim u ah Gedisocodka Qariirada nabada ee kol hore la sameyey ,waxaana lafilayaa in arintaasi la so gabagabeyo iyadoo ergay ka socda Maamulkasi oo lagu magacaabo Cali cabdi waare uu ku jiro arinkaasi si looyareeyo buuq ka yimaada Dhinaca Puntland.

Sababta 5aad ,ayaa waxa ay tahay is qabqabsi soo kale dhex gakay Besha Mareexaan oo buuq farabadan dhaliyey  kadib markii lashegay in ay is ku tanaasuliwayeen ilaa sadax xubnood oo katirsan beshaasi  oo miiska usaaran Madaxweynaha.

Sababta 6aad ,ayaa waxa lagu shegay in baaritaan lagu sameynaayo cidii kadanbeysay fowdadii iyo qalqalkii siyaasadeed ee shaly ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada wadanka Soomaaliya kadib markii suuqa la soogaliyey in Farmaajo lamagacaabay .

Kala soco mar walaba wararka xanta Madaxtoodayad www.qubanaha.com

Nagala sooxariir qubanaha@yahoo.com

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6569

Posted by on Sep 26 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented