Roman Abramovich oo 45 milyan dul dhigay Falcao (by liida)
Chelsea oo u xeed xeedanesa sidii ay gacan ugu dhigi laheyd al laacib Radamel Falcao.
Haatan wada hadal oo hordhac ah ayaa bilowday iyadoo loo gogol xaaraya in January mashiinka gool dhaliyaha kooxda Athletico Madrid Falcao uu yimaado Chelsea.
Milkiilaha naadiga Chelsea ayaa damacan ka keenay kagadaal markii uu daawaday Falcao oo Burbursaday dhulkana ku jiiday kooxdiisa Chelsea bishii hore Eufa Super Cup.
Kooxda champions league haatan hogaamineesa waa Chelsea ayaa aminsan in guulasha ay doonayaan In ay gaaran aysan macquul aheen ayagoo wata Torres oo kaliya asagoona ka ciyaaraya xaga hore ee Weerarka.
Haatan Chelsea iyo kooxda Athletico Madrid ayaa u bilowday wadahadalo ku aadan sidii mashiinkan Gool dhaliyaha kooxda Athletico Madrid ula soo wareegi lahaayeen.
Chelsea ayaa haatan saf dheer u gashay ciyaaryahan kan laacibka ee u dhashay Colombia , Chelsea ayaa Dooneysa in si dagdag ah ay u keento kooxda ciyaaryahan Radamel Falcao.
Ila wared yo ayaa sheegaya in wada hadalka Chelsea iyo kooxda Athletico Madrid uu bilowday
“Milkiilaha Chelsea ayaa doonaya in wax walba hada laga sii hadlo si hadhow howlaha ay u fududaadan Markii uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda”
Falcao waxuu dhaliyay 115 gool mudo fsedax sano gudahooda ah kubada cagta ee Europe
Athletico Madrid oo 32 milyan uga soo gadatay ciyaaryahankan kooxda Fc Porto xili ciyaareedkii aynu Kazoo gudubnay
FETAH ALI (LIIDA)
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6617