|

Terry oo laga mamnuucay afar kulan Lacagna la dul dhigay ( Akhriso BY LIIDA)

Ciyaryhan terry ayaa wajihi doona ganaax ilaa afar kulan ah iyo lacag 220,000k ah ka gadaal markii Lagu helay midib faquuq uu kula kacay ciyaaryahan Anton Ferdinand.

Terry ayaa lagu eedeeyay midib faquuq uu kula kacay Anton Ferdinand, taa oo dhalisay ganaax Lacageed iyo mid laga joojiyay ilaa iyo afar kulan.

Terry ayaa ka fariistay ciyaaraha caalamiga ee xulka england ka hor inta aan la maxkamadeen, Inkastoo ciyaaryahan terry lasiiyay ilaa iyo 14 maalmood si uu racfaan aaga qaato ganaaxaas, Maxkamada ayaa sheegtay in terry loo ogolaan karo kulanka derbiga ah ee kooxdiisa chelsea Ay la yeelan doonto kooxda arsenal waa hadii uu soo buuxiyo sharuudaha lagaga Baahanyahay.

Terry ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee sidan oo kale la dul dhigo ganaax ah ciyaar iyo Lacag, ka gadaal markii lagu helay midib faquuq, waxaa asna sidaa oo kale horay loogu Ganaaxay ciyaaryahan suarez oo asna aflagaado u geestay ciyaaryahan evra, suarez ayaa Xiligaas la ganaaxay 8 ciyaarood iyo lacag dhan 40,000.

Terry ayaa ka niyad jabsan ganaaxa la dulsaaray asagoo aminsan in uusan la heen wax danbi Ah.

FETAH ALI (LIIDA)

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6715

Posted by on Sep 27 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented