|

Ciyaaryahan Cabdul khadir Diriye (Arab) oo lagu sagootiyay kulamo ciyaaro xasaasi ah(by liida)

Ciyaaryahan Abdul khadir Diriye ayaa loo dhigay Tournament lagu sagootinayo ayaa ka dhacday magaalada Karachi ee wadanka pakistan,

Koobkan lagu macsalaameynayay al laacib Abdul khadir (Arab) ayaa lagu  qabtay jaamacada Ugu weyn ee ku taal magaalada karachi ee lagu magacaabo karachi  university,
Koobka macsalaameenta ahaa waxaa loo qabtay ilaa 4 kooxood oo ka kala socda sedax Jaamacadood oo kala ah Pimsat ,Smc,iyo jaamacada Karachi iyo koox arday sudan ah,
Kulankii  koobaad ayaa wada ciyaaray  kooxaha Smc iyo kooxda ardayda sudan, kulankaas ayaa Rigoorayaal kusoo gaba gaboobay, waxaa guusha qaatay kooxdii ardayda sudan.
Kulankii labaad ayaa wada cayaaray kooxaha pimsat  iyo karachi university
Kulankan ayaa asna ahaa kulankii ugu adkaa ee koobka laakin natiijada cayaarta ayaa aheed Mid la mid ah tii hore oo kale waxena kusoo gaba gabowday rigoorayaal oo ay guusha ku Raacday kooxdii karachi university.
Si kastaba ha ahaatee kooxda pimsat ayaa ah koox loo tix geliyo xaga sports ka ayadoo kooxda Ay ku suganyihiin ciyaaryahano caanka ah somalida ku sugan Pakistan,laakin waxaa ayadana Ka liidan kooxda ku ciyaaresa magaca jaamacada Karachi oo ayagana heysta ciyaaryahano tayo Leh laguna tix geliyo cayaarta kubada cagta.
Si kastaba ha ahaaate waxaa finalka koobkaas macsalaamenta ahaa isagu yimid labada Kooxood ee kala ah  kooxdii ku ciyaareesay karachi universtyi iyo  kooxdii ardayda sudan oo Ayagana intooda badan dhigta jaamacada karachi,
Kulankii finalka ahaa ayaa ahaa kulan aad u adag oo laba wadan cayaaresay sida sudan iyo Somalia, kulankan ayaa leesu maxruugay,dhowr goolna wey qasaariyeen weerar yahanada Labada kooxood, weerar isdaba joog ah ayee bilaabeen kooxda soomalida ee karachi, laakin Nasib daro kooxda somalida ayaa ka dhawacmay laacibkodii werarka u ahaa Fetah liida (qoraa Sports qubanaha.com) oo canqawga/qoobka tarar ka galay, dhaqtarka daawenayay laacibkan Ayaa shegay in loo baahan yahay ilaa sedax week in uu ka maqnaan doono garoomada, taana Waxee dhabar jab ku tahay kooxda somalida ee karachi, ugu danbeyn ciyaartii adkeed ayaa Kusoo gaba gabowday rigooreyaal halkaana guusha ku raacday kooxda sudan ee karachi.
Dad badan ayaa is weydiinayo sababaha keenay in koobkii oo dhan ay ku dhamaato rigoore Yaal, laakin taa jawaabtedu waa in ay adag tahay in si fudud leeskaga badiyo, taas ayaa Keentay in ciyaaraha oo dhan ay ku dhamaadan rigoore yaal
Hada tartankii lagu sagootinayay cabdul khadir (Arab) ayaa qaaday kooxda ardayda  sudan ee Karachi.
Ciyartii marka ay dhamaatay ayaa la gudoon siiyay kooxda ku guuleesatay koobka waa kooxda Ardayda sudan.
Intaa kadib ayaa  casho sharaf  lagu martiqaaday ciyaaryahanada oo dhan iyo marti sharaf fara  badan oo ku sugneed garoonka ay ka soconeesay cayaaraha lagu sagootinayay al laacib(Arab)
Cashadi kadib ayaa halkaa lagu gacan qaaday laguna macsalamadeeyay laacibkan oo asaga ka Tagayay wadanka pakistan, karachi,
MR Arab ayaa asna ka hadlay xafladii casho sharafta aheed, waxa uuna shegay in leeska cafiyo Waa hadiiba ay jiran qof oo asaga wax ka tabanayo, uuna sheegay in asaga qof uusan waxba u Qabin,  usan ilaabi doonin aqyarti ay halmeel kuwada sugnayen, oo uu marka ula jeeday Ardayda ku sugan wadan ka pakistan,
Fetah ali (liida)

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6848

Posted by on Sep 28 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented