Hay´adda wariyeyaasha aan xuduuda laheyn ee (R.S.F)oo cambaareysay dilka wariyeyaasha Soomaalida.
Hayádda Wariyeyaasha aan xuduuda laheyn ee (Reporters Without Borders) ayaa cambaaraysay islamarkaana walaac ka muujisay dilka wariyeyaal badan oo lagu dilay magaalada Muqdisho labadii Maalmood ee lasoo dhaafay, iyadoo mid maanta lagu toogtay bar koontarool halka mid kalena aroornimadii shalay isagoo la gowracay maydkiisa lasoo dhigay mid kamida wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Weerarada iyo falalka xaasidnimada ee naxdinta leh ee lagu laynayo saxafiyiinta Somaaamiyeed ayaa noqday sida Tusbax afka laga furay maalmahaan . sida ay sheegtay hayáddu, iyadoo 15 suxufi lagu dilay shaqada ay bulshada u hayaan darteed sanadkan 2012-ka kaasoo noqday sanadkii ugu wariye dilid badnayd Soomaaliya.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=6869