Lixda ciyaaryahano ugu wanagsan ee kooxaha premier leageu oo lasoo wareegen (BY LIIDA)
Harry krednap ayaa qiimeeyay 6da ciyaryahano ee ugu wanaagsan ee kooxaha laso Wareegeen.
Ciyaaryahanada uu tilmaayay tababare krednap ayaa kamid ah:
Santi Cazorla [Arsenal]
Runtii indhahega ayuu soo jiitay laba sano ka hor xili uu la joogay kooxda villarreal.
waxee la ciyaaren kooxda tottenham, run ahaanti si wanaagsan ayuu u ciyaaray oo kubad wanaagsan ayuu soo bandhigay
.
Anigu waandoonayay in aan lasoo wareego ciyaaryahankan oo aan keeno white hart lane, Markastana waxuu ahaa ciyaaryahanka aan daneeyo, laakin arinta kama aanan shaqeen.
Cazorla waa ciyaaryahan weyn muhiimna u ah kooxda Arsenal ka gadaal markii Arsenal ay iska Iibisay ciyaaryahano muhiim ah,febricas 40 milyan ayee ka bixiyen laakin Cazorla waa Lacagtaa half keed hadana waxaan dhihi karaa labada ciyaartoy waa isku mid,
Aniga cesc ayaa ad u taageraa laakin labada ciyaartoy waa spanish , labadana waa Ciyaaryahano laacibiin ah.
Aniga waxee ila tahay ciyaaryahankan ayaa ugu muhiim sanaa, ciyaryahanada Arsenal ee Sandkan lasoo wareegtay
Dimitar Berbatov [fulham]
Tan dad badan ayaa la yaabi doono, laakin Berbetov aniga xageega ciyaaryahan weyn ayuu ka Yahay, ciyaaryahankan Chelsea ayu ku wanagsanan lahaa, waayo Chelsea ma heysato striker badan Liverpool na waa sidaa oo kale ayuu yiri krednap.
Daacadi hadii aynu ka hadalno, waa ciyaaryahan wanaagsan una dhaq dhaqaaqi kara dhinac kasta ee kubada taal soona qaadan kara, farsamo ahaan waa ciyaaryahan aad u wanaagsan.
Dadka qaar ayaa dhahayo Berbetov 40 ama 50 mtr ma cararo ee gool hayaha ayuu daba Cararaa ama uu agtaagan yahay, waxaad ogaatan in ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic uu la mid Yahay Berbetov, Ibrahimovic haatan PSG ayuu u ciyaaraa oo lacag badan ku qaadatay mana u Arkeesaan asaga, sidaa oo kale Berbetov ayaa lamid ah waana ciyaaryahan weyn wax badan Kusoo kordhin kara kooxda fulham.
Mida ugu muhiimsan waa hadii Berbetov uu ciyaarayo waxaad arkeesa farsamo iyo qibrado Cusub, natiijada ciyaar sidee doonta ha ahaato laakin ciyaarta wuu kamuuqdaa kulamada Muhiimka ah.
Steven Pienaar [Everton]
Ciyaaryahankan tottenham ayaan keenay inkastoo arintas asaga ay u wanaagsanen ila dhowr Sababod
Dhibaatoyinka soo food saaray ciyaaryahankan wa asaga oo doonayay in uu ka cayaaro garabka bidix, anaguna waxaan heysanay ciyaaryahan Gareth Bale, inkatoo ay adkeed in Isbuuc waliba uu Ciyaaro sababtoo ah waxaan heysanay luka modric iyo scott Paker iyo Sandro.
Steven waxuu doonayaa in uu ciyaaro isbuuc kasta taasna wa sababtuu u door bida kooxda Everton .
Pienaar waa cayaaryahan weyn waxaana filayaa in isbadal weyn uu keeni doono iyo guulo Fara badan.
ROBIN VAN PERSIE (Man United)
Robin van Persie waa ciyaaryahan muhiim ah, inkastoo lacagta 22m ay mun utd ay ku soo Iibsatay ee lacag yartahay laakin kooxdu wax badan ayuu ka badali doonaa.
Mun utd xili ciyaareedkii hore ayaa titile ka horyaalka England lagaga guleystay , mu utd Ciyaaryahan fiican ayee lasoo wareegtay, laakin cidina kama dhageesanyo xili ciyaaredkii Hore mun utd wey ku guuleysan laheed horyaalka England hadii Van Persie uu joogi lahaaa.
Hadii hal ciyaaryahan aad ku tashato oo aad kasugto in asaga oo kaliya goolal uu kuu dhaliyo wee adagatahay laakin waxaan aminsanahay van persie in uu mun utd uu si wanaagsan u anfici doono.
Robin van perise sida uu hada ku bilaabay ciyaaraha naadiga Old Traford waa si wanaagsan Xili ciyaaredkan ilaa 25 gool wuu dhalinayaa ama in ka badan, hadii Mun Utd ay ku guulesato horyaalka England iyo Champions leageu sumcada van persie ayaa noqon doonta mid cirka isku shareeta oo sumcad weyn ku yeelan doona taageerayaasha kooxda Mun Utd.
JAN VERTONGHEN (Spurs)
Waa ciyaaryahan fiican waana ciyaaryahanada xulka Belgum ee premier leageu ka ciyaara.
Daacadii wa ciyaryahan wanaagsan aniga xiligaan tababare ka ahaa tottenham waxaan Doonayan in aan keeno naadiga weliba heshiiska meel fiican ayuu inoo marayay.
Ciyaaryhankan waxuu ka ciyri karaa daafaca dhanka bidixda ama garabka bidix meel weliba Wuu ka ciyaari karaa, weliba waxuu awoot u leeyahay in goolal muhiim ah uu dhaliyo.
Wax yaaba aan ka sheegi karo ciyaryahankan waa dabeecad wanaag iyo asagoo haatan la Qabsaday nolosha england iyo tootenham.
ADAM JOHNSON (Sunderland)
Johnson 10 milyan ayaa lagu gatay laakin aniga qiimaha waxee ila tahay qiimo wanaagsan, Ciyaaryahanku waa laacib marka laga soo tago Giggs wa ciyaaryahankii labaad aan arko oo Qibrad u leh garagbka bidix lana celinkarin lagana difaaci karin goosha asagoo isu daya in Goolal uu dhaliyo.
Johnson waa ciyaaryahanada an dhaho waa ciyaaryahan dbiici ah oo an kubada iska doon Doonin,
Ciyaaryahan Johnson mustaqbal fiican ayu leeyahay waxna wuu tari doonaa kooxda Sunderland.
FETAH ALI (LIIDA)
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7062