Florentino Perez: Real madrid ma dooneyso inay iibiso Kaka(by liida)
Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino perez ayaa qaadacay warar beryahanba Sheegayay in kooxdu ay damacsantahay iibinta laacibka kooxda real madrid Kaka.
Kaka aya beryahan lala xiriirinayay kooxo badan in ay doonayaan laacibkan, inkastoo kaka Uusan ku qanacsaneen ciyaar la aanta kooxda Real madrid.
Galasataray ayaa iyana soo bandhigtay damacooda ku aadan Kaka in ay la wareegan hadii ay Soo gaaran 16 champions leageu, halka kooxo kasoo jeeda wadamada Russia iyo China ay Doonayaan la wareegida laacibkan.
Perez ayaa u sheegay taageerayasha kooxda in la iibin doonin laacibkan Kaka, uuna lasii joogi Doono kooxda Real Madrid.
Perez:Kaka sedax sano ka hor ayuu yimid kooxda, waxuuna soo geliyay kooxda dhaqaale fara Badan,waana ku faa idnay imaasha Kaka ee kooxda Real Madrid.
Si kastaba ha ahatee waxan la ogeen halka uu ku dhamaan doona mustaqbalka laacibkan Kooxda Real Madrid
Fetah Ali (liida)
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7125