Ibrahimovic: PSG ayaa ka wanaagsan AC MILAN.
ZLATAN ayaa ku tilmaamay in naadiga PSG ay ka wanagsantahay naadiga kale ee AC MILAN ibrahimovic waxaa kale uu tilmaamay in sandii 2011 iyo sanadan 2012 ay isu mid aheen Sanadan marka uu yimid naadiga PSG waxuu kula kulmay kubado qurxoon iyo qaab ciyaareedka naadiga oo si fiican u qanciyay.
Ciyaaryahankan u dhashay wadanka Sweden ayaa ka tagay naadiga Ac Milan asagoona tagay naadiga PSG, waxuuna aminsanyahay in naadigan PSG ee haatan ciyaaryahanku uu Lajoogo ay ka wanaagsan tahay Ac Milan.
“Aniga waxee ila tahay naadiga PSG in ay tahay naadi weyn kana wanaagsan kooxda Ac Milan Taana waa sababta oo an kaga soo tagay kooxda Ac Milan.
PSG ciyaaryahano muhiim ah ayee soo gadatay oo uu kamid yahay Thiago silva iyo aniga nafteyada iyo kuwa kale oo badan.
Zlatan waxa kale uu xusay in naadiga Ac Milan tayadii ciyaartooy ay ka dhaamden hada naadiga wax badan uu lumiyay.
PSG hada waxee isu diyaarineesaa kulanka Champions leageu ay laso ciyaari doonto naadiga Porto.
Fetah ali (liida)
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7202