|

MARCHISIO oo doonaya in mustaqbalkiisa ciyaareed uu ku dhameysto Juventus(by liida)


Ciyaaryahankan caalamiga ee u dhashay wadanka Italy ayaa sheegay in uu san dooneyn ka Tagista kooxda Juventus.

Claudio Marchiso ayaa cadeeyay in damac uusan ka heyn ka tagista kooxdiisa Juventus, Asagoona sheegay in mustaqbalkiisa ciyaareed uu la  joogi doono kooxda Juventus.
Ciyaaryahankan waa 26 jir kasoo baxay dugsiga tababarka kubada cagta ee juventus asagoona Kusoo barbaaray kooxda Juventus, taana waxee keentay in ciyaaryahankan uu noqdo Ciyaaryahanka muhiimka u ah ciyaaryahanada qadka dhexe ee kooxda Juventus.
“Waxaan dareensanahay in  weli aan yarahay waxaana rajeenayaa in kooxda Juventus weli Qandaraasyo aan u saxiixi doono, hadii 2016 uu dhamaado qandaraskeyga waxaan filayaa in Juventus 5 sano cusub ay  iigu dari doonto.
Ciyaryahankan ayaa sheegay inuu doonaya in uu noqdo sida kaptan Steven G oo uu ku Nagaado kooxdiisa oo kaliya.
Ciyaaryahankan ayaa doonaya in wacdaro uu soo bandhigo tartankan Champions Leageu oo Kooxda Juventus iyo kooxda shakhtar ay isaga hor imaan doonaan.
Fetahl Ali (liida)

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7232

Posted by on Oct 2 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented