|

Mechael Ballack oo ka fariistay gabi ahaan ciyaaraha kubada cagta (by liida)

Ciyaaryahankii hore ee naadiga chelsea yaa isaga tagay kooxda bayern leverkusen xili Ciyaaredkan asagoona rajeenayay in uu ku biiri doono kooxo ka dhisan wadan Australia.

Laakin ciyaaryahinki hore ee xulka qaranka Germany Ballack ayaa ku dhawaaqay  in gabi Ahaanba uu ka fariistay ciyaaraha kubada cagta.
Ballack ayaa yiri” da’da 36 jir waxaan dib u fiirinayaa xiligii quruxda badnaa ee kubada cagta Aan kusoo qaatay.
“Marki aan yaraa kuma aanan riyoon jirain   in aan gaari doono heerka maanta aan ka gaaray Kubada cagta.”
Kooxo waa weyn ayaan usoo ciyaaray ciyaaryahano fiican oo qiimo dunida kuleh ayaan lasoo Ciyaaray ayuu yiri Ballack”
Ballack ayaa yiri “waxaan u xiisi doonaa 80,000 oo daawadayaal in aan soo hor istaago, Goolalna aan dhaliyo.”
Ciyaaryahan Ballack ayaa sheegay in uu doonayo in uu tijaabiyo nolosha kale ee caadiga ah Asagoona aheyn ciyaaryahan in uu noloshiisa sii wato.
Gallack 98 goor ayuu u ciyaaray xulka qaranka Germany, asagoona kusoo biiray xulka qaranka Germany sanadi 1995.
Ballack waxu u soo ciyaaray naadiga leverkusen iyo munich iyo kooxda Chelsea, asago Naadiga chelsea kula guulestay koobab fara badan.
Ballack ayaa  4  sano la joogay naadiga chelsea waxuuna kula guulestay FA cup sedex goor iyo Leageu cup inta uusan kasoo tagin chelsea uuna kusoo biirin kooxda leverkusen sanadii 2010.
Kulankii ugu danbeeyay ee uu u ciyaaro leverkusen 4-1 ayee kaga badiyen naadiga  numberg.


Fetah Ali (liida)

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7299

Posted by on Oct 2 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented