|

Special Jose mourinho: oo ku til maamay Sir alex macalinka macalimiinta

Macalinka kooxda Real Madrid jose mourinho ayaa qorsheenaya in dib ugu soo laaban doona Horyaalka england kadib marka uu kasoo tago kooxda Real Madrid uu haatan leyliyo.

Macalin mourinho ayaa sheegay in uu rajeenayo marka uu kusoo labto england in macalin Ferguson uu sii joogo gegada old traford .
Mourinho ayaa yiri “aniga ferguson waa macalinkeega”
“Waxaan ugu yeeraa macalin sababtoo ah ayuu yiri waa macalinka macalimiinta, waxaana Rajeenayaa marki aan england ku laabto in uu sii wadi doono kooxda mun utd.”
Mourinho ayaa qaadacay wararka ah, hadii mourinho uu yimaado england in Mun City uu Tababare u noqon doona.
Mourinho ayaa intaa ku daray in uu jeclaan lahaa marka  uu wadooyinka uu lamarayo Caruurtiisa aysan garan dadka qofka uu yahay,laakin waxuu tilmaamay in noloshiisa qaaska ah Uusan xor u aheyn sababtoo ah dadkii oo dhan wey wada garanayaan  oo hadii meel uu tago Sawiro aya laga qaadayaa.
Jose waxuu kaloo yiri marka ciyaartoydeda ay ciyaarayan dadka qaar ayaa so istaaga goolka Gadashisa ayagoona aflagaadenayo ciyaartoyda kooxda.
Si kastaba ha ahaate amaantan mourinho uu amanayo macalin sir alex ayaa imaanesa ka Gadaal dhowr sano oo xifaaltan marki ay soo dhex martay macalin mourinho iyo macalin sir Alex ferguson.
Fetah Ali (liida)

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7247

Posted by on Oct 2 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented