Cavani: waxaan doonayaa in aan noqdo sida Messi iyo Ronaldo(by liida)
Ciyaar yahankan u dhashay wadanka uruguay ayaa noqday xiliyadii ugu danbeesay xidiga Horyaalka Italy, asagoona hormar badan kasameeyay kubada cagta.
Xidigan ayaa yiri “Messi iyo Ronaldo waa laba ciyaaryahano waa weyn oo ka ciyaara horyaalka Dalka spain, anigana ayaga ayaan ku daysadaa oo waqti walba tababar ayaan sameeyaa si aan U noqdo sida labadan ciyaaryahano oo kale.
Ciyaaryahankan ayaa soo dalbaden naadiyada Chelsea,Juventus,Mun City iyo Real Madrid, Ayagoona doonayay in ay la wareegan laacibkan u dhashay wadanka uruguay.
Cavani ayaa sheegay “in ay adagtahay magaalo in aad ka guurtid una guurtid magaalo kale Laakin hadii naadi weyn kusoo dalbato waxaa ku qasbantahay in aad u dulqaadato.”
Ciyaaryahan Cavani ayaa ku ek qandaraaska uu kula joogo naadiga Napoli ilaa 2017
Fetah Ali (liida)
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7358