|

Dawlada Puntland oo Gacanta Kusoo Dhigatay Malayshiyaad Rasaas Kufuray Wafdi Dalka Turkiga Kasocday oo Gaalkacyo Kusoojeeday.

03 octobar 2012)Gaalkacyo(Qubanaha.com          Waxaa Maanta Deegaanka Daara Salam lugu Dhawaacay Nin katisrsan Saraakiil Kasocota Hay’ada Hormarinta Turkiga ee TICA iyadoona wafdigaan ay kusoo jeedeen magaalada gaalkacyo.

Shilkan ayaa dhacay kadib markii kooxo shuftaa oo wadada isbaaro dhigtay ay ciidamo kuwa amaankaa isku dhaceen iyadoona si kahalad ah ay kooxihii shuftida ahaa ay wafdigaan umoodeen ciidamadii amaanka oo kusoo laabatay kadibana ay rasaas ooda kaga qaadeen.

iyadoona markii danbe ciidamada amaanka ay kuguulasteen in gacanta lugu soo dhigo 9 Katirsan shuftidii idbaarada dhigatay halka Midna laga dilay.

Musutaf Haashim oo ah ninka hay’ada turkiga uqaabilsan bariga africa ayaa haatan xaaladiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan isagoona ay rasaastu kahaleeshay Lugta.
Masuuliyiinta Maamulka Gobolka kan Degmada Gaalkacyoiyo Laamaha amaanka ayaa waxay shr jaraa’id kuqabteen Isbitaalka GMC oo lugu dabiibayay dhaawaca.

ugu horayn waxaa halkaas kahadalay Dr Saalax Cabdulaahi Maxamed oo ahaa dhaqtarkii Gacnta Kuhayay dhaawaca isagoona sheegay in xaalada Mustaf Haashim ay tahay mid wanaagsan.

intaas kadaib waxaa halkaas kahadalay gudoomiyahah gobolka mudug mudane maxamed yuusuf jaamac tiga isagoona sheegay in uu jiro Cadow umada soomaaliyeed kala dagaalamaya hormarka iyo nabada loona baahanyahay in meel looga soo wada jeesto.

Gen Muxiidiin axmed muuse Taliye Xigeenka Booliska Puntland oo isagu wafdiga Safarka kuweheliayay ayaa sheegay in kooxihii Jid gooyada dhigtay gacanta lugu soo dhigay haatana lugu raad joogo fir xadkii kaharay ciidankuna ay dageen halkii uu isku dhacu  ka dhacay.

Masuulkii  ka dhaawacmay Wafdigii Turkiga ahaa yaa ugu danbayntii lageeyay Hotel loogu talo galay inay kadagaan Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug.
www.Qubanaha.com
kalasoco wararkii ugu danbeyey ee ka dhaca  caalamaka 

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7336

Posted by on Oct 3 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented