|

Gudoomiyaha Barlamanka iyo Qaar kamid Ah Barlamankii hore oo shiray Maanta.

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa maanta kulan laqaatay qaar ka mid ah mudaneyaashii kujiray baarlamankii dowladdii KMG aheyd.

Kulanka uu maanta la qaatay afhayeenka baarlamanka Soomaaliya mudaneyaal ka tirsanaa baarlamankii hore ayaa waxa uu ka dhacay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaana kulanka uu  ahaa mid looga hadlayay sidii ay wadasheyn buuxda u dhaxmari laheyd mudaneyaasha cusub ee baarlamanka iyo baarlamankii hore.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa la isla sooqaaday xuquuqda ay leeyihiin xildhibaanadii hore iyo kuwii geeriyooday iyagoo u adeegaya shacabkooda.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii hore oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulankii ay la qaateen gudoonka baarlamanka uu ahaa mid muhiim ah islamarkaana looga hadlay sidii ay wadashaqeyn buuxda u dhaxmari laheyd si loo dardar geliyo howlaha haatan horyaala xildhibaanada.

Xildhibaanadii hore ayaa intaa ku dareen in ay ka go’antahay la shaqeynta mudaneyaasha cusub si shacabka ay ugu noolaadaan nabad waarta.

Sidoo kale guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya oo la hadlay saxaafadda ayaa tilmaana in kulanka looga arinsanayay wax u qabashada shacabka maadaama xildhibaanadii hore ay in mudo ah ku howlanaayeen u shaqeynta shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka uu maanta la qaatay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya xildhibaanadii hore ayaa ah kulankii ugu horeyay oo uu la yeesho waxaana arrinta ay muujineysaa sida ay uga go’antahay guddoonka baarkanka wax u qabashada ummadda Soomaaliyeed.

xigasho:RM

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7363

Posted by on Oct 3 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented