|

Soomaali Calanka Qaranimada Soomaaliyeed kaga yaabsatay Taageerayaal Jarmal ah oo Jalbeeysan (Daawo Muuqaal ahaan Yaabkaan) !!


Dhalinyaro Soomaaliyeed oo isa soo abaabushay ayaa Calanka Soomaaliyeed waxeey kaga yaabsadeen Taageerayaal Jarmal ah oo ku mashquulsanaa mid ka mid ah Ciyaaraha caalamiga ah ee dalkooda uu la yeesho wadamada kale ee reer Yurub.

Soomaalidaan ayaa dhexda ka galay halkii ay dhoobnaayeen Taageerayaashii Jarmalka ahaa balse waxaa la yaab noqotay Dhalinyaradaan Soomaaliyeed ayaa Cabsi la´aan iska dhex mushaaxay Garoonkii ama goobtii ay ka socotay Ciyaarta iyaga oo huwan Calanka Soomaaliyeed.

Muuqaalkaan oo Wadaniyad xambaarsan erayadii ay ku dhawaaqayeen Dhalintaan Soomaaliyeed ayaa waxaanu ka xusi karnaa sidatan :

Hanuuna oo Hanuuna , Soomaalooy Hanuuna, Hab siiya Nabada oo Holaca Joojiya.
Habeen iyo maalinba Dadkoo dhan u Hiili, dalkeena waa hodanoo Duco buu doonayaa.
Halboowlaha Naftiyo,Dalkeenaan u Hurnay, Hamigeena waa Nabad wallee Hurdi meeynee.
U Hiili oo u Hiili Nabada,Hoowlbaa na sugeeysoo Horumar aanu gaarno.

Hambalyo oo Hambalyo Soomaalooy Hambalyo !! Heshiiya oo Heshiiya Dadyahoow Heshiiya !!

Qaab ahaan hadaad fiiriso Muuqaalkaan cusub waxaa kuu soo baxaya in loogu dabaal dagayo Nabada ka dhalatay dalka Somalia waxaana Guul lagu farxo ah in la arko Dhalinta Soomaaliyeed oo mar kale ku faaneeysa Calanka Qaranimada Soomaaliyeed.

Halkaan ka Daawo Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Sharafta Calankeena kor u qaaday http://www.youtube.com/watch?v=YTWLKzBjva0

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7392

Posted by on Oct 3 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented