|

Akhriso Taariikhda Ra’iisulwasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo kooban .

Ra’sail wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Magaciisa oo Buuxa waa  Dr, Abdi Farah Shirdon (Saacid)

wuxuu ku dhashay Gobolka Galgaduud gaar ahaan  degmada Dhuusamarreeb, sanadkii 1958-Kii.
Waxa uu waxbarashadiisii Hoose dhexe ku qaatay isla Gobolka Galgaduud.
Ra’isal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya wuxuu ka qalin-jebiyay Jaamicadii Ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr bishii May 1983-kii oo uu helay shahaadada loo yaqaano’ Bachelor ee dhaqaalahaa,waxaana uu si weyn wax uga garanayaa Arimaha dhaqaalaha iyo Hormarintooda.
Saacid ayaa sanadihii 1983 ilaa iyo 1985 ka soo shaqeeyey Wasaaradihii Maaliyadda
iyo Beeraha oo uu ka ahaa Dhaqaaleyahan. Halkaas oo uu 1985 u wareegey dhanka
ganacsiga gaarka loo leeyahay oo uu la soo shaqeeyey shirkaddii lagu magacaabi jirey
Bretton Woods Institutions isla markaana uu ahaa Aasaasihii iyo Maamulihii shirkadda
loo yaqaano Shirdon International Ltd ilaa iyo 1991.
Dagaaladii sokeeye ee 1991kii ayuu Saacid u soo guurey Nairobi oo uu noqday
Aasaasihii iyo milkiilihii Shirkadda loo yaqaano Shitraco Ltd & Shaam.
Dr,Saacid waxuu labaatankii sano ee la soo dhaafay ahaa shaqsi u dhuun daloola
siyaasadda Soomaaliya oo uu bishii March 2012 loo doortay Guddoomiyihii ugu
horreeyey ee Golaha Rajo (Rajo Forum).
Dr,Saacid waxuu leeyahay 4 caruur ah iyo xaas oo ay xaaskiisu tahay Asha Haji Elmi oo
ah Xildhibaanad si weyn looga yaqaano Soomaliya oo wax badan dhanka bulshada
rayidka ah ka soo shaqeysey oo ay Soomaali fara badan wax ugu qabatay.
Nagala sooxariir qubanaha@yahoo.com
www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7642

Posted by on Oct 6 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented