|

Dowlada iyo AMISOM oo ku lan Xaasasi ah ka yeshay Amaanka Muqdisho.

Kulan ay maanta isugu yimadeen hay’adaha amaanka Qaranka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho iyagoona ka digay in banaanbaxyo lugu dhigo gudaha magaalada Muqdisho.

Kulanka ay maanta yeesheen gudiga amaanka Qaranka ayaa waxaa lagu qabtay taliska ciidamada Booliska ee Muqdisho waxaana ka qeyb galay wasiirka Difaaca dalka, Wasiirka arrimaha gudaha, Taliyaha ciidamada XDS, Taliyaha ciidanka Booliska, Agaasimaha hay’adda nabad sugida iyo Taliyaha ciidanka Booliska AMISOM.

Intii uu kulanka socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaalada amaan ee magaalada Muqdisho waxaana  goobta la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ku aadan wax ka qabashada xaaladda dalka gaar ahaan tan Muqdisho.

Markii uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa saxaafadda la hadlay qaar ka mid ah xubnihii ka qeyb galay kulanka oo ay ka ka mid ahaayeen wasiirka gaashaandhiga, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Ciidamada Milatariga.

Wasiirka difaaca dalka Mudane Xuseen Carab Ciise oo ugu horeyn la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladda amaan ee Muqdisho ay tahay mid la’isku haleynkaro isagoona shacabka uga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay ciidamada ugarab taaganyihiin.

Xuseen Carab Ciise ayaa intaa ku daray in aan loo dulqaadan dooni cid waliba oo loo arko in ay carqalad ka wado gudaha magaalada Muqdisho isagoona shacabka ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan sida ay haatan ula shaqeynayaan ciidamada.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Mudane C/samad Macalin Maxamuud oo sidoo kale la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay in howlgaladii ka socday Muqdisho ay galeen wijigii labaad, waxa uuna ka digay in aan si sharcidaro ah aan loo ridikarin xabad isagoona ku baaqay in aan la dhigikarin Banaanbaxyo.

Taliyaha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa uga mahad celiyay Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya howlgalada sida joogtada ah ay uga wadaan gobolada dalka kuwaas oo lagu cirib tirayo haraadiga kooxda shabaab.

Ugu dabmbeyntii ayaa waxaa warfidiyeenada la hadlay Taliyaha ciidanka Booliska Shariif Sheekhuna Maye waxa uuna qeexay In laga bilaabo maanta aan magaalada lagu arki Karin gaari aan laheen Taargo isagoona shacabka uga digay in ay isticmaalaan gawaari aan laheen Taargo.

Shariif Sheekhuna Maye ayaa ku booriyay ciidamada nabad galyada wadooyin in ay talaabo sharici ah ka qadaan cidii ay ku arkaan gaari aan taargo laheen.

www.qubanaha.com

xigasho:RM

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7615

Posted by on Oct 6 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented