Maamulka Puntland oo Idaacadii Horseed Iridaha u xirey
Warqad ka soo baxday Maamulka Puntland ayaa lagu Xiray Idaacada waxaana warqada ku qornaa in Sababaha loo xirayo Idaacda ay tahay in ay baahisay falal kicin kara Bulshada oo ka dhan ah Maamulka waxaana irdaha isugu dhuftay Ciidamada Maamulka .
Qaar ka mid ah Shaqaalaha oo aan la hadalnay ayaa waxaa ay noo sheegeen in Daqiiqadaha soo socda la filayo in uu Maamulku ka hadlo arintaan waa maamulka idaacadee
Lama sheegin sabab rasmi ah oo Idaacada loo xirey, hase ahaatee, Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Puntland Maxamuud Diriri Ceydiid ayaa waxa uu sheegey in Idaacaddu ay ka hortimid go’aankii dhawaan ka soo baxey Wasaaradiisa ee ahaa in Warbaahintu aysan ka hor imaan maamulka Puntland oo ay la shaqeeyaan.
Ma aha markii ugu horeysey ee Idaacadan la xiro, waxaana xasuus mudan in Agaasimihii hore ee Horseed Cabdifitax Jaamac Mirre lagu xukumey 6 sano oo xarig ah, xiligaas oo uu socdey dagaalkii maamulka Puntland uu kula jirey Al-shabaab buuraleyda Galgala. hase ahaatee, muddo kadib lagu sii daayay cafis M-weyne.
Falastiin Cabdule Puntland
Qubanaha.com kalasoc warar kusalaysan xaqiiqda dhabtaa ee kajirata caalamaka
Wixii warar ee kusoo baxa waan idiin soogudbin donaa ilahay haduu idmo
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7632