Mahiiga oo ka digay in dib u dhac ku yimado Magacaabista Ra’iisulwasaraha.
Ambassador Augustine Mahiga oo u qaabilsanahay QM arrimaha Dalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in aad uga walaacsan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo hadda u Muuqda in uu ka sii dhamaanayo waqtigii uu u haystay in uu ku soo magacaabo R/wasaare uu Yeesho Dalka Soomaliya .
“waan u Jeednaa in uu Madaxweynuhu wado dadaal badan oo ku doonayo in uu ku soo Magacaabo R/wasaare, waxaan arkeynaa Kulamada uu la qaadanayo Qaybaha kala Duwan ee Bulshada, isagoo kala Tashanaya R/wasaaraha uu soo dhisayo Nuuca uu Noqonayo laakiin waxaan ka Cabsi Qabaa in Madaxweynaha uu waqtigu ka dhamaado “ ayuu yiri Mahiga.
Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Mahiga ayaa waxaa uu isagoo hadalkiisa Sii wata intaa ku daray in uu ka codsanayo Madaxweynaha in uu Deg Deg u soo Magacaabo R/wasaare.
M/weynaha Soomaaliya ayaa looga Fadhiyaa in saacadaha soo Socda uu ku dhawaaqo Shaqsiga uu u doortay in uu hugaamiyo Xukuumada Soomaaliya iyadoo waqtiga uu u haysto soo Magacaabistaasna uu uga harsan yahay waqti ka yar 70 saacadood .
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7604