|

Mareykanka :xasiloonida Soomaaliya waxaa ay ku xiarantahay in la sii kordhiyo dagaalada lagula Jiro Argigixisada.

Kaaliyaha xogahayaha arimaha Afrika Maraykanka u qaabilsan Johhinie Carson oo warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dowladda Mareykanaka ay ka Go’antahay sidii ay ka ga qeyb qaadan lahaayeen xasiloonoi buuxda oo lagu soo dabaalo Soomaaliya.

Mr Johhinie carson ayaa dhanka kale shaaciyay inay xasiloonida Soomaaliya ay ku xirin tahay in la sii kordhiyo dagaalada lagula Jiro waxa uu ugu yeeray argigixisada .

“Waxaa inaga go’an in aan Soomaaaliya kala qeyb qaadano in  nabadda iyo kala dambeyn ay ka hir gasho taana lagu gaari karo in lasii kordhiyo dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Al-qaacida”sidaasi waxaa yiri Mr Johhinie carson.

Ugu dambeyn Carson waxa uu sheegay in dowladda Maraykanka ay sii wadeyso taageerada ay siineyso dadka Soomaaliyeed si ay uga samata baxaan dhibaatada 21ka sano ay ku jiraan.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7610

Posted by on Oct 6 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented