|

Besha Caalamka oo soo dhaweysay Magacaabista Ra’iisulwasaaraha Cusub.

Xafiiska siyaadda u qaabilsan Qaramada Midoobey arrimaha Soomaaliya ee UNPOS ayaa si weyn u soo dhaweeyey magcaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo uu shalay magcaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dr. Augustine Mahiga oo ah wakiilka gaarka ah ee ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay magcaabista Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu tilmamay in ay soo dadajineyso dhammeystirka dhismaha hey’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlo badan ay horyaallaan.

“waxaan ugu hambalyeynayaa mudane Cabdi Faarax Shirdoon xilka culus ee uu ummadda Soomaaliyeed u qaaday, waxaana rajeynayaa in uu gudan doono waajibaadkiisa qaran, waa xilli aad u wanaagsan waa Ra’iisul wasaare nasiib badan. waxaana ballan qaadayaa inaan xoojiyo taageerada uu xafiiskegya uga baahantahay xukuumadda uu soo dhisi doono” ayuu yiri Dr. Augustine Mahiga.

Dhinaca kale ergayga Midoowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele C. d’Urso ayaa isna sheegay in Midowga Yurub uu soo dhaweynayo magcaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay ballan qaadayaan in ay soo buuxiyaan kaalinta taageeradooda ee dowladda u curatay Soomaaliya.

Waxa uu intaa raaciyey in xilligan loo baahan yahay dardargalinta iyo dhismaha hey’addo fuliyo adeegyada la sameeyey oo si rasmi ah daaha uga rogga waxa ay qabanayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul wasaaraha dalka ku magcaabay waqtiga uu siiyey Dastuurka qaranka ka hor, isagoo wadatashi dheerna u galay xulista shaqsiga uu doonayay in uu u xusho Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7674

Posted by on Oct 7 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented