|

Ciidamada Dowlada iyo AMISOM oo si buuxda ula Wareegay Degmada Wanlaweyn.

Ciidamada XDS iyo kuwa Amisom ayaa saaka galay gudaha degmada Wanlaweyn ee G/Sh/Hoose, iyadoo ay shacabka degmadaasi ay bililiqo baahsan u geysteen xarumihii ay degganaayeen shabaab ka hor inta aysan ciidamadu gaarin.

Kadib markii ciidamada XDS iyo kuwa Amisom ay gelinkii dambe ee shalay gaareen degmada Wanlaweyn oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose islamarkaana ay xalay  ka baxeen magaaladaasi malleeshiyaadkii Shabaab iyo horjoogayaashoodiiba ka hor inta aysan ciidamadu gaarin halkaasi ayaa dadka ku nool degmadaasi waxaa saaka u baryay waa nabadeed,  iyagoo dareemay xorriyad buuxda sanado kadib.

Dadka ku nool degmadaasi ayaa saaka isugu soo baxay waddooyinka Magaaladaasi,  iyagoo soo dhaweeynaya ciidamada XDS iyo kuwa Amisom oo xalay ku baryay duleedka magaalada Wanlaweyn, iyadoo Malleeshiyaadkii Shabaab iyo horjoogayaashoodiiba ay xalay ka huleeleen magaaladaasi.

Qaar ka mid ah shacabka degmadaasi ayaa caro ay u qabaan kooxdii shabaab ee Muddada dheer ku amar taagleeyneysay darteed ku qamaamay xarumihii ay Malleeshiyaadkaasi ka degganaayeen magaaladaasi, sida saldhigga Booliiska, Xaruntii degmada iyo guryo ay si gaar ah u degganaayeen horjooyaasha kooxdaasi iyagoo ka soo bililiqeeystay agabkii halkaasi yaallay oo iyaga hore looga dhacay.

Abaanduulaha ciidamada XDS Generaal C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadu ay xalay ku baryeen duleedka magaaladaasi balse ay si taxadar leh saaka u galeen gudaha magaaladaasi, iyadoo aan shacabka la argagax gelin.

Howlgalkan ay ciidamadu kula wareegeen Daafeed iyo Wanlaweyn ayaa qeyb ka ah qorshaha ciidamada XDS iyo kuwa Amisom ay dalka kaga xoreeynayaan Malleeshiyaadka Shabaab, si dalkeenna looga dhigo meel ka caaggan argagixisada shabaab iyo Alqaacidda.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7695

Posted by on Oct 7 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented