|

Dowlada Puntland maxay ka tiri Magacaabista ra´iisal wasaare Saacid ?(Akhriso Bayaanka)

Wasiirka Warfaafinta Puntland Eng.Maxamud Caydiid Dirir oo saxaafada maanta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa ku akhriyey bayaan xukuumadda ka soo baxay ee ku aadan magacaabista Wasiirka Koowaad ee DF Somalia.

Hadaba akhriso waa kan nuqul kamida bayaankii ka soo baxay dowladda Puntland ,waxana uu u qornaa sidatan:.

Puntland State of Somalia
,Garowe 
7 October, 2012

War-saxaafadeed

Dawladda Puntland ee Soomaalia waxay soo dhoweynaysaa magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Waxay Dawladda Puntland hormuud ka ahayd nidaamka Federaalka ee Soomaaliya 1998 iyo 2004, waxayna sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaadatay dhamaystirka geeddi-socodkii lagaga baxayey ku-meel-gaarnimada [Roadmap] iyo dhamaystirka Dastuurka federaalka ah.

Waxay Dawladda Puntland weli diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalinteedii ahayd sidii lagu gaari lahaa Dawlad Somaliyeed oo Federal ah oo dhamaystiran.
Waxay kaloo diyaar u tahay in ay qayb weyn ka qaadato dib-u-heshiisiinta Somaliya oo muddo 22 sano ka badan xad-gudubyo bini-aadanimo iyo mid siyaasadeed ay soo gaareen.

Dawladda Puntland, waxay Dawladda Federaalka ku qiimaynaysaa kulana shaqayn doontaa hadba sida ay u fuliso heshiisyadii hore loo galay iyo nuxurka uu qeexayo Dastuurka Federaalka ee Somaliya [Constitutional provisions]
sida:

• Ilaalina Dastuurka Federaalka ee Somaliya,

• Hirgelinta iyo dhamaystirka nidaamka Federaalka ah

• Taageeridda dhismaha Dawladaha xubnaha ka noqonaya Dwladda Federaalka ee Somaliya oo dhismahoodu socdo sida, Jubbaland iyo kuwa kale ee ka dhalanaya deegaanada Digil iyo Mirifle iyo qaybaha kale ee Somaliya

• U sinnaanta deeqaha caalamiga ah ee magaca Dawladda Federaalka lagu helo.

Ugu damayntii waxay Dawladda Puntland si gaar ah isha ugu haynaysaa ku dhaqanka awoodaha Dastuurka ku qeexan ee xafiisyada Dawladda Federaalka.

-Wasaaradda Warfaafinta, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka DPL

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7700

Posted by on Oct 7 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented