Hay’ada Islamic Relief oo laga Mamnuucay Deeganada ay Al-shabaab ka taliyaan .
Al-Shabaab ayaa mamnuucay mid ka mid ah Hay’adaha Gargaarka ka jira Soomaaliya oo lagu magacaabo Aid Agency Islamic Relief, taasi oo ahayd mid kaliya ee ku dhiiratay inay ka shaqeyso goobaha ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in gabi ahaanba si cad ay u mamnuucday Hay’ada Islamic Relief oo horay ugu fasaxday inay ka howlgasho goobaha Al-Shabaab ay gacanta ku haayso,Al-Shabaab ayaa hadalkaan dhigay boga twitterka ay ku leeyihiin, iyadoona amarkaan dhamaantiisa ay isku raaceen saraakiisha Al-Shabaab,sida ay qoreysay warbixinta Al-Shabaab twiterka ay soo dhigeen.
Sababta Al-Shabaab ay gabi ahaanba u joojiyeen howlihii gargaar ay ka watay Hay’ada Islamic Relief goobaha ay gacanta ku hayaan maamulada Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen inay waday howlo ka baxsan howlihii gargaarka sida warbixinta lagu sheegay balse si cad uma faahfaahin sababaha Al-Shabaab u mamnuuceen hay’adani ka shaqeynesay gargaarka ee lagu magacaabo Relief Islamic.
Ururka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa ay tilmaameen in mamnuucitaanka ay hay’adani ay qeyb ka tahay hay’ado gargaar ah oo horay looga mamnuucay goobaha Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan sida WFP oo ah hay’ad qaabilsan cunada aduunka.
Hay’adani Islamic Relief ayaa waxa uu fadhigeedu yahay dalka Britain Soomaliyana waxa ay ka shaqeyneysay tan iyo 1996,waxa ayna Soomaliya ka qabataa howlo ay ka mid yihiin mashruucyo biyo fulineed,caafimaadka iyo waxbarashada dadka dhibaateysan ee Ka barakacay guryahooda sababo laxariira dartood dagaalada,fatahaadaha iyo abaaraha.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7762