Ronaldo iyo Messi ayaa dunida u cadeeyay in ay yihiin laacibiinta Kubada Cagta ee Caalamka.
Labadan laacib ayaa caawa soo bandhigay ciyaar wanagsan, inkastoo labadaba ay dhaliyeen Min laba gool ayaa haatan waxee wada jabiyen Record kala duban.
Messi ayaa noqday ciyaaryahankii ugu badnaa ee El Classico 17 gool ka dhaliya.
Halka Ronaldo uu jabiyay Record ka ah 6 kulan oo El Clasico isku xiga ayuu dhaliyay gool
Ciyaaryahanada duniada ugu laacibsan ayaa caawa ku tartamay gool dhalin, halka Ciyaaryahanada kula jiray garoonka labada kooxood a y ka ahayen garoonka caawiya yaal.
Messi ayaa dhaliyay 2 gool oo aad u qurux badan goolasha waxaa ku jiray free kick ama Bulisiyoon, asagoona ka dul qaaday darbigii ay dhigeen ciyaaryahanada kooxda Real Madrid, Kadibna shabaqa ku hubsaday kubada.
Waxaa asna dadaal dheeraad ah muujiyay laacibka kooxda Real Madrid cristiano Ronaldo oo Asagana dhaliyay goolal oo qurux badan.
Messi iyo Ronaldo ayaa dhalin karay labadaba goolkooda sedexaad ee ciyarta, laakin dhoor Fursado ay qasaariyeen ayaa kaliftay in labadaba ay kubada hareer mariyan goosha.
Messi si wanaagsan ayuu u ciyaaray oo dhowr gool ayuu helay fursado muhiim ah asagoona Kalsooni ku dhex maray daafac yada kooxda Real Madrid.
Laakin asagana waxaa ka liidan Ronaldo oo si wanaagsan u marayay daafaca kooxda Barcelona Ka gadaal marki ay kawada maqnayen kooxda barcelona daafacyadii ay ku tashan jirtay Kooxda waa Carlos Poyul iyo Pique, waxaa ka dhaawacmay bilowga ciyaarta Alves.
Si kastaba ha ahaatee Messi iyo Ronaldo ayaa haatan ah laacibiinta dunida ay daawato.
Fetah Ali (liida)
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7737