Shirkadaha Dahabshiil Group oo Gurmad Baaxad leh u Fidiyey Dadka Daadadku ku Tabaaleeyeen Beledweyne.
Iyada oo shirkadaha Dahabshiil Group mar walba u taagan yihiin daryeelka bulshada iyo u-dhego-nuglaanta gurmadyada deg degga ah goob kasta iyo goor walba oo loo baahdo, sida abaaraha, fatahaadaha, biyo-dhaamiska, iyo adeegyada la xidhiidha caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaale iwm, waxa Maamulka Guud ee shirkadaha Dahabshiil guddoonsaday in si mug leh looga qayb qaato musiibada dabiiciga ah ee ku habsatay dadka uu barakiciyey fatahaadda Webiga Shabelle, oo lagu qiimeeyey inay tahay tii ugu saamaynta badnayd, uguna balladhnayd muddooyinkan dambe.
Haddaba, Guddoonka iyo Maamulka sare ee Shirkadaha Dahabshiil, iyaga oo ka jawaabaya baaqyadaa, kana damqaday dhibta baaxadda leh ee soo gaadhey dadka maatida ah ee gasiin iyo gabbood toonna maanta aan ku haysan duleedada magaalada Beledweyne, ayaa waxa ay go’aamiyeen in gurmad deg deg ah loo fidiyo qoysaskaasi waxyeelladu soo gaadhey.
Waxa Shirkadaha Dahabshiil Group u garteen in gabbood, gasiin iyo agab kale oo qiimihiisu wadar ahaan gaadhayo US$120 000 lala gaadho barakacayaasha Beledweyne iyo agagaarkeeda ku sugan, iyada oo uu hawshaashi fulinayo Maamulka shirkadda Dahabshiil ku leeyahay Beledweyne, oo uu hoggaaminayo Maamulaha Xafiisyada shirkadda ee Hiiraan, Mudane Cismaan Dhagaxow Haruur, isaga oo la kaashanaya guddiyada u xilsaaran taakulaynta barakacayaasha.
Waxa, gaar ahaan, gurmadkan shirkadaha Dahabshiil fidiyeen ka faa’iidaystay deegaannada dadku u barakaceen ee Ceel Jaalle iyo KM115, oo laga bilaabay Isniin 8 October 2012.
Waxa Guddoonka iyo Maamulka sare ee Shirkadaha Dahabshiil Group ugu baaqayaa cid kasta oo gacan ka geysan karta gurmadka taakuleynta barakacayaasha ay ku habsatay aafada dabiiciga ah.
www.qubanaha.com
qubanaha@yahoo.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=7779