|

Jack Wilshere oo dib ugu soo laabtay garoomada (by liida)

Ciyaaryahankan u ciyaara kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa la sheegaya in haatan uu Caafimadkiisa uu yahay mid buuxa. 

Ciyaryahan Welshere ayaa ciyaaray 74  daqiiqo ciyaartii kowaad ee uu ciyaaray, kooxda Arsenal ayaana ku badaisay 2-0.
Welshere ayaa seegay gabi ahaan xili ciyaaredkii hore asagoona  dhaawac kasoo gaaray Canqawga ama qoobka  bishii june sanadii 2011, kadibna jilibka aya dhaawac yar kasoo gaaray, Waxaana lagu sameeyay qalin xaga jilibka ah bishii  may  ee sanadan.
Laakin macalinka kooxda Arsenal ayaa la rajeenayaa in uu fursad uu siin doono  Ciyaaryahankan si uu ula  soo qabsado kooxda koowaad ee Arsenal.
Sidoo  kale waxaa dhaawac kasoo bogsaday daafaca kooxda Arsenal Sagna waxuuna ciyaaray 68 daqiiqo  asagoona  kasoo boqsaday dhaawac xaga lugta ka gadaal marki uu ka jabay lugta.
Hadaba kooxda Arsenal oo si wanaagsan ku bilowday horyaalka england Premier Leageu ayaa Haatan ciyaartoy badan kaga soo bogsadeen dhaawacyo ay horay u qabeen, waxaana laga Sugayaa in kooxda ay sii xoojiyaan.
Fetah Ali (liida

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8186

Posted by on Oct 9 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented