|

Maxay ka wada Hadaleen Madaxweyne Xasan Skhiikh Maxamuud iyo Kibaki ? (Akhri)

Madaxweynaha J.F.Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gooni gooni ah magaalada kambala kula leh qaar ka mid ah madaxda wadamada caalamka kuwaas oo ka qeybgalaya xuska maalinta madaxbannaanida dalka Uganda.

Madaxda ilaa iyo hadda madaxweynuhu la kulmay waxaa ka mid ah wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga oo ay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii Talyaanigu u meel marin lahaa ballanqaadyadii uu hore u sameeyay iyadoo R/wasaare ku xigeenka Talyaaniga uu sheegay in dowladdiisu ay iskaashi manaagsan la sameyndoonto dowladda Somalia.

Madaxweynaha J.F.Soomaaliya ayaa la filayaa in muddada uu joogo Kambala uu la kulamo madax kale oo ka tirsan caalamka, waxaana maanta dalkaasi ka socda fantasyo loo sameynayo maalinta madaxbannaanida,  iyadoo ay ka qeybgalayaan madax kala duwan oo lagu casuumay,  kuwaas oo uu ka mid yahay Madaxweynaha J.F.Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8198

Posted by on Oct 9 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented