|

Wasaaradda Caafimaadka Puntland Oo Qalabka Suuxinta ku wareejisay Isbitaalka guud ee Garoowe.

Galkacyo (qubanaha) Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa Isbitaalka guud ee Caasimada Puntland ee Garowe ku wareejisay qalab cusub oo loogu talagalay qaliinka gaar ahaan susuuxinta qalabkaas oo ah mid casri ah ayaa xafladii lagu wareejinayay waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame, Agaasimihiisa guud Dr. C/risaaq Xirsi Xasan, Maamulka, Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha Isbitaalka guud ee Garowe.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. C/risaaq Xirsi Xasan ayaa isaguna sheegay in Isbitaalka guud ee Garowe uu baahi weyn u qabay mashiinka lagudoonsiiyey kaas oo ay dhaqaalaha lagu soo gaday ay ku deeqeen Jaaliyada Puntland ee Denmark, waxa uu ku booriyey maamulka Isbitaalka inay qalabka xafidaan ayna bulshada ugu adeegaan maadaama baahi weyn uu Isbitaaku u qabay oo uusan lahayn mashiinka suuxinta.

Qalabkan waxaa dhaqaalaha lagu soo gaday ku deeqay Jaaliyadda Puntland ee Denmark sida uu sheegay Dr. C/salaam Xasan Cabdi oo isagu mashiinka soo gaday, dhakhtarku waxa uu sheegay in qalabkan uu qaali yahay baahi weyna ay u qabeen Isbitaaladu horeyna uusan noociisu wadanka u oolin, waxa uu sheegay in uu ku tabobari doono shaqaalaha qaabilsan suuxinta ee ka shaqeeya saalada qaliinka maadaama aysan qalabkan horey u arkin noociisa.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame oo qalabka gudoonsiiyey Isbitaalka ayaa sheegay in qalabkan ay ku deeqeen jaaliyada Denmark kuwaas oo balanqaadey qalabkan suuxinta ( Anesthesia Workstation), wasiirku waxa uu sheegay in sanadkii hore 2011 uu booqasho uu ku marayay dalalka Scandinavian-ka ay Jaaliyadda Puntland oo ku deeqeen lacag $15,000/- (Shan iyo Toban kun oo doolar) oo qalabkan lagu soo qiimeeyey dabadeedna ay jaaliyadu lacagtan iska aruurisay.
” Qalabkan waa mid casri ah oo ka mid ah noocyada ugu danbeeyey ee caalamka looga adeegsado qaliimada in wax lagu suuxiyo, muddo faro badan ayaanu hay’adaha caafimaadka ka shaqeeya iyo Ururo kaleba waxaan u bandhigaynay baahida qalabkan waxaan u dirney codsiyo nasiib daro cid nagu taakulaysa maanan helin hase ahaatee markii aan tagay Denmark waxaan dalabkii u sheegay jaaliyada oo markii aan xaalada caafimaadka ee wadanka uga waramay iyaguna balanqaadey inay iibinayaan qalabka suuxinta oo ay dhaqaale iska aruurinayaan aad bay u mahadsan yihiin maantey waxaa nasiib wanaag ah in qalabkii uu gacantayada ku jiro iyadoo ay soo iibsheen walaalaha kheyrka jecel ee dagan Denmark ” ayuu yiri wasiirka caafimaadku.
Qurbajoogta Puntland ee ku nool Yurub, Amerika, Australia, Carabaha iyo Afrika wax uu wasiirku ugu baaqey inay ku daydaan jaaliyadda Puntland Denmark oo ay iyaguna Isbitaalada kale sidii loo qalabayn lahaa ay gacan ka gaystaan si loo badbaadsho oo loo yareeyo dhimashada shacabka Puntland.
 Falastiin cabdulle Puntland
www.Qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8173

Posted by on Oct 9 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented