Waxyaabaha Qarxa oo lagu qabatay Gaarisa.
Wararka aan ka heleyno Gaarisa ayaa waxaa ay Sheegayaan in Ciidamada Booliska Kenya ay fashiliyeen isku day qarax oo lagu doonayay in laga geysto magaalada Gaarise ee xarunta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.
Philip Tuimur Taliyaha booliska gobolka Wuqooyi bari Kenya ayaa waxaa uu sheegay in ciidamadu ay qabteen bam culeyskeedu ka badnaa 10 kg oo looga tagay maqaayad horteeda laguna doonayay in lagu qarxiyo baarka.
Taliyaha wuxaa uu sheegay in ay ciidamada qarxiyeen bambka oo la rumeysan yahay in Kooxo Xiriir la leh Ururka aAl-Shabaab ay Goobta dhigeen waxaana ay saraakishu Sheegeen in Qaraxa uu awood u lahaa in uu gaysato saameyn ballaaran hadii uu qarxi lahaa .
Miinadaan la dhigay Baarka hortiisa ayaa waxaa uu Cabsi Xoogan ku abuuray Dadka ku dhaqan Magaalada oo ka Baqanaya in Qaraxyo kale ay Jiraan oo lagu doonayo in Goobaha Bulshadu isugu imaaato lagu qarxiyo.
Ururka Al-Shabaab oo ka dagaalama Gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu Dhowr Jeer oo hore Qaraxyo ka Geestay Gudaha dalka Kenya halkaa oo ay dhibaato ka soo gaaartay dad Kenyaan ah Kenyana waxaa ay ka mid tahay Dowladaha Ciidamadu ka hoogaan Soomaaliya .
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8203